SUUQ Dadka lagu kala iibsado oo si qarsoodi ah uga furan Muqdisho, Farmaajo iyo Kheyre oo ka war haaya balse waxba ka qaban

0
345

Ku dhowaad 500 oo qof ayaa ku jira Xabsi weyn oo ku yaala xarunta Dembi Baarista Booliiska Soomaaliya ee CID, kuwaas oo qaarkood muddo fog ku jira Xabsiyada CID.

Dadkaan ayaa u badan dhalinyaro laga soo qabtay xaafadaha magaalada Muqdisho markii ay howlgalada ka sameeyaan Ciidamada Booliiska Soomaaliya waxaana qaar kamid ah ay xiran muddo ku dhow sanad.

Ma jirto wax baaritaan ah oo lagu sameeyay qaar kamid ah dhalinyaraan tan iyo markii halkaan la keenay halka qaarkoodna la baaray dembiyana lagu waayay balse lagu celiyay xabsigii ay ku jireen.

Sida ay saraakiil ka tirsan ciidanka amniga ay NEWSOMALI u sheegeen in CID ay dadkaan ka dooneyso lacag u dhaxeysa 3,000$ 10,000$ oo dollar. Dhowr qof oo ka tirsaneed dadkaan ayaa lagu sii daayay lacagta aan kor ku soo xusnay sida ay noo sheegayn dadkii la xirnaa iyop qaar ka mid ah ehellada.

Haweenay wiilkeeda uu kamid yahay dadka xiran ayaa NEWSOMALI u sheegtay in la weydiistay lacag dhan 4,200$ oo dollar si loogu sii daayo wiilkeeda oo ah Arday dhigta mid kamid ah Jaamacadaha magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaaan ogaanay in hore sidaan oo kale dad badan laga qaatay lacago madax furasho ah oo kumanaan dollar ah islamarkaana laga sii daayay xabsigii ay ku jireen ee CID-da.

Arintaan ayaa halis waxay ku tahay amaanka qaranka. Sidoo kale CID waxaa dhib badan ku qaba qaar kamid ah Shacabka Soomaaliyeed oo Carruurtooda oo aan dembi ah gelin isaga jira Xabsiyada hey’adda.

Booliiska Soomaaliya oo sameeya Baaritaano todobaadkiiba ugu yaraan 2 jeer ayaa hey’adda u gacan geliya tobaneeyo dhalinyaro ah oo guryahooda laga soo qabtay kuwaas oo ay waqti badan ku qaadato in ay ka dhamadaan xarunta CID, halka qaarkoodna iyagoo aan dembi gelin la isaga heesta Xabsiga markii ay bixin waayaan lacagaha laga rabo ee Madax furashada ah.

Waxaa jira warar sheegaya in Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha tiro dhowr jeer ah la soo gaarsiiyay warbixinta xaruntan ah in dad lagu kala iibsanayo balse waxba kama qaban.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here