Faahfaahino dheeraad ah oo ka soo baxaysa duqeyn maanta loo geystey deegaano ka mid ah Galguduud

0
55

Waxaa soo baxay faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan weerar duqeyn ah oo diyaarado dagaal maanta ka geysteen deegaanka War Xoolo iyo Wabxo oo ka tirsan gobolka Galguduud.

Guddoomiyaha degmada Ceelbuur Nuur Xasan Guutaale oo u waramayay saxaafada ayaa xaqiijiyay in duqeyntan ay gelinkii dambe ee maanta ka dhaceen deegaano ka mid ah degmada Ceelbuur gobolka Galguduud.

Duqeyntan ayaa la sheegay in ay geysteen diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaan la ogeyn khasaaraha ka dhashay iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in goobaha duqeynta laga geystey ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan Alshabaab.

Sidoo kale duqeyn dhinaca dhulka ah ayaa ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Ethiopia ay shalay ku garaaceen madaafiic deegaano ka tirsan degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud.

“Duqeynta waxaa lala beegsaday goobo aan ka warqabnay inay ku sugnaayeen Alshabaab isla markaana uu jiro qasaare ka dhashay balse aan si dhab ah loo sheegi karin maadaama goobaha la duqeeyay ay ku sugnaayeen Alshabaab oo kaliya.”ayuu yiri guddoomiyaha degmada Ceelbuur

Ciidamada AMISOM ayaa waday dhaqdhaqaaqyo milatari toddobaadyadii la soo dhaafay, iyadoo dhaqdhaqaaqa ugu ballaaran ay wadeen ciidamada Ethiopianka ah eek u sugan gobolo ka mid ah dalka Soomaaliya. Ururka Alshabaab ayaan weli ka hadlin duqeynta ugu dambeysay ee maanta ka dhacday gobolka Galguduud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here