WARBIXIN HORDHAC AH:Guddiga dabagalka Cuna qabataynta hubka saaran Soomaaliya oo Warbixintooda ku soo qaateen Muungab iyo Dhulka uu bixiyay ee ku dhaw Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

0
55

Warbixinta dhawaan soo bixi doonta ee ay soo saareen guddiga dabagalka Cuna qabataynta hubka ee saaran dalka Soomaaliya ayaa lagu xusay musuq maasuqa iyo nidaamka bixinta dhulka qaranka ee Maamulka Gobolka Banaadir, waxaana si gaar ah warbixinta loogu eegay Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” .
MuungabSida ay Newsomali.com caawa u xaqiijiyeen Dad si hordhac u arkay warbixinta waxaa si weyn looga hadlay isla markaana Golaha amaanka Qaramada Midoobay loo gudbiyay sida Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” u bixiyay dhulal qaranka Soomaaliya lahaa oo dan guud ahaa, kuwaas oo la siiyay shaqsiyaad uu ka mid yahay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, siyaasiyiin iyo ganacsato.
Warbixinta ayaa lagu yiri habka loo maamulayo dhul ay lahayd Dowladda iyo qaabka wax is daba marin ee dhulalkaas loo bixiyay ma aha wax qarsoon, waxaa la is dhaafsaday docomentiyo hubaal la’aan ah oo dhulal fara badan lagu bixiyay.
Sida ay sheegayan wararka warbixinta ayaa lagu xusay dhul ku yaalay agagaarka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho kaas oo markii hore Saraakiisha Amisom, qaramada Midoobay iyo Dowladda isla garteen inay ku soo dhuumaalaysan karaan shabaabka sidaas darteedna qatar la gelin karo adeega garoonka, dhulkaas oo dadkii deganaa laga raray hase yeeshe waxaa si deg deg ah dhulkaas loo siiyay, siyaasiyiin, ganacsato, Xildhibaano iyo shirkado si gaar ah loo leeyahay.
Dhulkaas hadda waxaa laga taagay ayaa lagu yiri warbixinta dhismayaal waa weyn oo xilligan la jooga halis gelinaya amaanka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho waxaana dhulkaas bixiyay ayaa lagu yiri warbixinta Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” .
Dhulkaas garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho ku dhawaa waxaa qeyb ka mid ah oo la iibiyay lagu galay doorashadii Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug, waxaana lacagta lagu iibiyay la siiyay Cabdikariin Xuseen Guuleed.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” waxaa uu ku caan baxay musuq maasuq, lunsasho lacagta Maamulka Gobolka Banaadir, iyadoo aysan jirin cid la xisaabtinta.
Warbixinta marka ay soo baxdo ayaa laga yaaba inay saameyn dhaw iyo mid mustaqbal ah ku yeelato Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here