DAAWO Video: Wiil uu dhalay Madaxweynihii hore Liibiya oo lagu jir dilayo Xabsi ku yaala Tripoli

0
62

Waxaa Internetka lagu shaaciyey filim muujinaya jirdilka ka socda xabsiyada ku yaal magaalada Tripoli ee caasimada dalka Liibiya, waxaana filimka ka muuqday mid kamid ah wiilashii uu dhalay Col.Qadaafi oo jirdil loo geysanayo.
Jirdilka-LiibiyaCajaladan muuqaalka ah ayaa muujineysa Saadi Qadaafi oo ahaan jiray ciyaaryahan caan ah isla markaana uu dhalay hogaamiyihii hore ee dalka Liibiya oo jirdil loogu geysanayo xabsiga lagu hayo ee magaalada Tripoli oo ay gacanta ku hayaan isbaheysiga Islaamiga ah ee Al Fajar ee ka taliya caasimada Liibiya.

Todobaadkii tagay ayey maxkamad ku taal magaalada Tripoli dil ku xukuntay Sayf Al Islaam oo isagu ugu caansanaa caruurtii Qadaafi iyo 40 kale oo ahaa saraakiishii xukuumadii hore oo ay jiraan Raysalwasaare iyo taliyihii hore Sirdoonka. Sayf Al Islaam ayaa isagu ku xiran magaalada Zintan oo ay ka taliyaan maleeshiyo madax-banaan kuwaasi oo diiday inay usoo gacan geliyaan xukuumada fadhida caasimada Tripoli.
Saadi oo isagu kamid ah dadka lagu hayo xabsiga Tripoli ayaan kamid ahayn caruurtii Qadaafi ee siyaasada ku dhexmilmay, balse wuxuu ahaa nin ku dhexjira ciyaaraha gaar ahaan kubada cagta, balse xoogaga gacanta ku haya ayaa ku eedeenaya inuu hada kahor dil u geystay mid kamid ah ciyaartoyda u ciyaari jirtay Qaranka Liibiya.

Waxaa Saadi horey looga soo tarxiilay dalka Niger oo u qaxay xiligii xukunka laga tuuray aabihiis Col.Qadaafi oo ay dileen xogaga kacdoonka ka sameeyey dalka Liibiya. Dowlada Niger ayaa u gacan gelisay xukuumada Liibiya wiilka Qadaafi Saadi, xiligaasi oo ay dowlada Liibiya balan qaaday inaysan wax jirdil ah u geysan doonin.

Muqaalkan ayaa waji gabax ku noqday dowlada Liibiya iyo waliba dowladaha taageera oo iyagu horey u sheegay inay dalka Liibiya ka dhigayaan wadan dimuquraadi ah oo laga dhowro shuruucda caalamiga ah.

Saadi ayaa jirdil loo geystay isagoo su’aalo laga weydiinayo waxaana laga garaacay cagaha, xili la maqlayo jirdilka ka dhacaya qolka uu fadhiyo banaankiisa oo lagu jirdilayo maxaabiis kale.

Hoos ka daawo Muqaalka lana soco inay ku jiraan muqaalo jirdil ah:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here