SAWIRADA:Taliyaha Boliiska oo tababar u soo xiray Ciidamo iyo isagoo Sagootiyay..

0
57
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyed Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo uu wehliyo Taliyaha Boliiska Gobolka Minnesota ayaa Tababar ku saabsan sida loo maamulo goobaha ay qaraxyadu ka dhacaan (Crime sciene managment )ugu soo xiray ciidan gaaraya 60 sarkaal oo boliiska ah kana kala tirsan CID iyo ciidanka mina baarista boliiska. Tababarka waxaa bixinayay Hayadda Bancroft International oo Maraykan ah.
Taliyaha ayaa u hambalyeeyay ciidanka tabarka qaatay kuna guubaabuyay in wixii ay barteen dadkooda iyo dalkooda ku anfacaan.

Dhinaca kale Taliyaha Ciidanka Boliiska ayaa xaflad si aad ah loo soo agaasimay ugu qabtay Akadeemiyada Boliiska ee Kaahiye Ciidanka boliska Amisom gaar ahaan Uganda FPU oo waqtigoodii u dhamaaday una ambabaxayay dalkooda Uganda. Xafladda waxaa lagu soo bandhigay ciyaaraha fanka iyo dhaqanka soomaaluyeed. Sidoo kale kooxda fanka ee heegan ayaa iyana madadaaliyay ciidanka Amisom ee la sagootinayay.

Ugu dambaynti Taliyaha boliiska ayaa shahaado sharaf iyo hadiyado guddoonsiiyay Saraakiishi hoggaaminaysay ciidanka Uganda FPU taas oo ka tarjumaysa dadaalkodii hagar laaanta ahaa ee ay u garab istaageen ciidanka boliiska somaliyeed iyo siday uga qayb qaateen hawlgaladii sugidda amniga ee bishii Ramadaan oo ay si aad ah uga hawlgaleen magaalada.

58 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 32 33 34 35 36 37 38 39 40 41 42 43 44 45 46 47 48 49 50 51 52 53 54 55 56 57

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here