XALIIMO YAREY Ma lagu kalsoonaan karaa , Waa Maxay Sababta ugu adeegayso Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Khadiijo Cosoblse oo damaceeda fashilmay?

0
45

Waxaa shalay magaalada Muqdisho ka dhacay kulan ay isugu yimaadeen Guddiga Doorashooyinka 2016, guddigaasi oo Guddoomiye loogu doortay Xaliimo Ibraahim Ismaaciil (Xaliimo Yarey).
Guddiga-Doorashada-2016Xubnaha guddiga oo ka kooban shaqsiyaad si gaar ah uu usoo xulay Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud ayaa lagu tilmaamaa xubno si weyn ugu dhaw dhaq dhaqaaqa Damul-jadiid oo uu kamid yahay Madaxweynaha iyo xubno si gaar ah ay isugu dhaw yihiin.

Hadaba doorashada Xaliimo Yarey loo doortay Guddigan inay madax ka noqotay waxay keentay in laga bixiyo jawaabo intooda badan isku mid ah kuwaas In aysan noqon karin dhex dhexaad.

In kastoo dhaliil badan loo jeedinayo xubnaha guddiga qaarkood hadana waxaa si weyn loo dhaliilsan yahay Xaliimo Ibraahim Ismaaciil (Xaliimo Yarey) oo shalay loo magacaabay inay tahay Guddoomiyaha guddiga Doorashada.

Xaliimo ayaa horey usoo noqotay Guddoomiyaha guddiga Farsamada ee dhismihii maamulka Galmudug iyadoo lagu eedeeyey inay halkaasi xiisado badan ka dhalisay, waxaana si weyn loogu dhaliilay soo xulidii ergada , soo xulistii Baarlamaanka Galmudug iyo inay u adeegaysay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisa.

Xaliimo Yarey oo kooxaha Bulshada ka shaqeyn jiray waxay baratay Cilmiga Beeraha iyadoo ka qalin jibisay 1981 dii Jaamacadda Umadda, kadibna Shahaada Master-ka ee Cilmiga Beeraha ayay ka qaadatay Jaamacadda Turino ee dalka Talyaaniga.

2012 waxay madax ka ahayd guddigii soo xulay Xubnaha Baarlamaanka .

In kastoo Xaliimo Yarey Damac Siyaasadeed ku jiray muddo dheer hadana dhinaca beesheeda ayay caqabad kala kulmaysay, maadama ragg fara badan ku tartamaya jagooyinka beesha ka soo gaara Dowladda.

Dad badan ayaa u arka Guddiga Doorashada ee guddoomiyaha u tahay Xaliimo yarey in Madaxweynaha Dowlada Federaalka uga gol leeyahay inay qabtaan hawl lamid ah tii Cadaado oo uu saameyn ku yeesho Ergada la sheegay in laga soo xuli doono maamulada dalka si ay u doortaan Baarlamaan, maadaama ay fashilantay in la sameeyo tirakoob, diiwaangelin ay shacabka ku codeeyaan marka laga gaaro doorashada 2016.

Dar dargelinta Guddiga Doorashada ayaa qeyb ka ah qodobada uu wato Madaxweynaha Federaalka inuu horeegyo shirka ka dhacaya sida la sheegay maalinta beri ah 29ka July magaalada Muqdisho oo looga hadlayo Hiigsiga 2016, shirkaasi oo ay kasoo qeyb galayaan Deeq Bixiyayaasha ayaa lagu casumay maamulada dalka ka jira.

Xisbiyada Siyaasadeed, shaqsiyaadka damac kaga jira jagada Madaxweynimo 2016 intaba shaki ayay ka qabaan daacad ahaanshaha Xaliimo Yarey iyo guddiga ay madaxda u tahay, waxayna u badan tahay inay u adeegto Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud oo dadka Soomaaliyed quus ka taagan yihiin maamulkiisa.

In kastoo Guddiga xubin ka tahay haweenay kale oo maalqabeen ah Khadiijo Cosoble hadana waxaa la aaminsan yahay in saameynta haweenaydaas ku yeelan karto guddiga ay aad u yar tahay balse laga yaabo inay abuurto khilaaf ka dhex dhaca iyada iyo Xaliimo Yarey.

Khadiijo Cosoble shalay markii doorashada dhacaysay ma joogin oo waxay ka jabtay lug, markii ay dalbatay in doorashada guddiga dib loo dhigo waa laga diiday ileyn meesha ujeeddo ayaa laga lahaa, waa ayna ku fashilantay damaceeda ahaa inay noqoto Guddoomiyaha Guddiga doorashada.

Xaliimo Yarey waa haweenay daacad u ah Madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisa Damul Jadiid sababta loo keensadayna waxay tahay in loogu abaal mariyo shaqadii ay kooxda Damul Jadiid uga soo qabatay Cadaado, mar kale ayaa la doonaya inay u adeegto kooxdan si ay ugu guuleystaan doorashada Madaxweynimo 2016 ka.

Ugu dambeyn rajo badan lagama qabo Guddi ay madax u tahay Xaliimo Yarey inuu soomaaliya u horseedo doorasho xalaal ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here