MADAXWEYNE XASAN SHEEKH iyo Tiro Golaha Wasiirada ka tirsan oo Nairobi u tagaya wadahadalo Dowladda kenya lagala yeelan doona muranka Badda

0
57

Iyadoo Soomaaliya kiiska dacwada u dhaxeysa iyaga iyo kenya kuna saabsan xuduuda Badda labada dal ayaa warar soo baxaya waxaa ay sheegayan in toddobaadka nagu soo fool leh Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka kenya tagi doonaan Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud si ay dowladda kenya wadahadalo ku aadan muranka badda labada dal ula yeeshan.
xasan-iyo-uhuruDiblomaasi ku sugan Nairobi iyo ilo wareedyo kale ayaa u xaqiijiyay Newsomali.com in Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ay ka kooban yihiin ku dhawaad 10 Wasiir oo dhamaantood wada xaajoodka labada dhinac ka qeyb qaadan doonaan.
Ma kala cada sababta kiiska badda oo yaala Maxkamadda adduunka hadana dhinaca kale wadahadalo loola furo dowladda kenya mar haddii labada dhinac qoortooda u dhiibteen Maxkamada adduunka ee ku taala dalka Nederland.
Dowladda Jilacsan ee Soomaaliya waxay ka gaaf wareegaysa wax alla wixii caro ka abuuri kara dowladda kenya oo ciidamadeeda ay joogan magaalada xeebta ku taala ee kismaayo, sidaas darteed wadahadalada labada dhinac ee Magaalada Nairobi ka furmi doona waxay saldhig u tahay in kenya loo muujiyo in muranka badda uu dhinac dowladda ka fudud yahay balse caro ka imaanaysa dhinaca shacabka soomaalida wax kasta suuragal noqon karin.
Waxaa kalo meesha ku jirta in Dowladda Soomaaliya aysan ahayn mid ay shacabka soo doorteen sidaas darteed marna aysan gaari karin go’aano mustaqbalka dhiil colaadeed u keeni kara labada dal.
Mar kasta Dowladda Soomaaliya waxay ku celcelinaysaa inay wada hadal diyaar u tahay marka laga hadlayo muranka badda ee kala dhaxeeya kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here