Haweenay Daacad u ah Madaxweyne Xasan Sheekh oo loo doortay Guddoomiyaha Guddiga doorashada Qaran, Laakiinse ma yahay Guddi lagu kalsoonaan karo?

0
61

Haweenay daacad u ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka qaranka, taas oo markii hore la saadalinayay lana aaminsanaa in hogaamiyaha dowladda soomaaliya sidaas uu damacsan yahay.

Guddiga doorashooyinka qaranka oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa u doortay guddoomiye Xaliimo Ibraahim Ismaaciil
Guddiga doorashooyinka qaranka oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa u doortay guddoomiye Xaliimo Ibraahim Ismaaciil

Guddiga doorashooyinka qaranka oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa u doortay guddoomiye Xaliimo Ibraahim Ismaaciil.

Kulankan ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliiin ka socotay wasaarada arrimaha gudaha iyo federalka Soomaaliya iyadoo sidoo kale guddoomiye ku xigeen loogu doortay guddiga doorashooyinka Siid Cali Sheekh Maxamuud oo ka mid ah xubnaha guddiga.

Guddi Madax banaan oo doorasho xalaal ah qabanaya inay soomaali yeelato dad badan ayaa shaki ka qabay, sidoo kalena maalmihii la dhaafay waxaa laga shakisanaa in Madaxweynaha Soomaaliya ku howlan yahay in guddiga doorashada u dhiibto Xaliimo Yarey si danahiisa ugu gaaro.

Xiriirka ka dhaxeeya Madaxweynaha iyo Xaliimo Ibraahim Ismaaciil oo markii horeba ahaa mid ka yimid dhinac NGO yada isla markaana Xaliimo Ibraahim Ismaaciil madax u ahayd guddigii doorashada Maamul Goboleedka Mudug ayaa iminka mar kale loo dhiibay inay hogaamiso Guddiga doorashada qaranka.

Ujeeddo kasta oo laga leeyahay arrintan ma aha mid la filaan ah waa mid la sugayay waxayna qeyb ka tahay hab dhaqanka foosha xun ee Madaxweynaha soomaaliya oo caadi ka dhigtay inuu wax u dhiibto cid isaga u shaqeysa.

Xaqiiqdii waxay tahay guddigan hoggaankiisa ma aha mid lagu kalsoonaan karo, mana ah guddi la aamini karo haba yaraate, sidaas darteed magacabista Xaliimo Ibraahim Ismaaciil waxay hordhac u tahay damac waalan ee Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ku doonayo in 2016 ka ku soo laabto xafiiska.

Xaliimo Yarey waxaa lagu tilmaama inay tahay haweenay u nuqul danaha kooxda Madaxweynaha ka tirsan yahay iyo inay u dhega nuqlaato Xafiisyada Qaramada Midoobay iyo kuwa Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Dadka u tartamaya jagada Madaxweynaha Soomaaliya marna kuma kalsoonaan karaan guddi ay madax u tahay Xaliimo Ibraahim Ismaaciil oo la wada ogsoon yahay habkii ay u soo maamushay doorashadii iyo xulistii Xildhibaanada Maamulka Galmudug.

Qiyaastiina waxaa la filayaa in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud adeegsado haweenaydan lagu magacabo Xaliimo Ibraahim Ismaaciil oo dadka qaarkiis u yaqaanan Xaliimo Yarey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here