Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo maanta la caleemo saari doono

0
70

Munaasabad lagu caleema saarayo Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa goor dhow lagu wadaa inay ka bilaabato degmada Cadaado oo xarun KMG ah u ah Maamul goboleedka Galmudug.
images

Xafladan oo ah mid si aad ah loo soo qaban qaabiyay ayaa waxaa la filayaa inay ka soo qeyb galaan Mas’uuliyiin kala duwan, iyadoo shalay ay ku qul qulayeen wafuud ballaaran.

Waxaa shalay gaaray Cadaado Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale oo xaflada caleema saarka ka qeyb galaya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galaya Munaasabada caleema saarka Madaxweynaha Galmudug oo qaban qaabadeeda shalay ka socotay Cadaado.

Sidoo kale waxaa la filayaa in munaasabada caleema saarka ay ka soo qeyb galaan wafuud ka kala socota Qaramada Midoobey, Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD iyo ururada.

Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ciidamo ka baxay Muqdisho diyaarad lagu geeyay, kuwaasoo ka qeyb qaadanaya sugida amniga munaasabada caleema saarka inta ay socoto.

Madaxweynaha cusub ee Galmudug C/kariin Guuleed oo 4-tii bishan lagu doortay doorasho ka dhacday Cadaado, waxaana Madaxweynaha hor-yaala caqabado ku aadan habkii uu maamulkiisa uga hana qaadi lahaa deegaanada Galgaduud iyo Mudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here