Shaqooyinkii Maamulka Gobolka Banaadir oo hakad u galay maqnaanshaha Muungaab, Xafiisyadii oo la mid noqday Guri uu leeyahay Muungaab iyo albaabada oo loo laabay inta badan Xafiisyada

0
63

Maqnaanshaha Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” ayaa saameyn ku yeeshay shaqooyinkii Maamulka iyadoo aan wax shaqo ah ka socon xarunta Maamulka.HALKAN KA FURO WARBIXINTA GEN MUUNGAAB oo booskiisa halis ku jira, Liiska Magacyo loo gudbiyay Madaxweynaha iyo Ma difaaci karaan Xaasaska Madaxweynaha Muungaab?
muungaSida uu sheegay mid ka mid ah Howl wadeenada xarunta Maamulka Gobolka Banaadir wax kasta oo laga qaban lahaa xafiisyada Maamulka ayaa hakad ku jira ,Sarkaalkaas ayaa inoo xaqiijiyay in kuxigeenada Guddoomiyaha Gobolka ay la mid yihiin maqaar saar oo keliya awoodna ma laha kuxigeenada.HALKAN KA FURO WARBIXINTAN KALE :BAL NALA ARKA SOOMAALIYEY Sida Muungaab u qeybiyay Jardiinadii Magaalada Muqdisho, Gurey Xaaji, Xasan Warshiiq, Caajis, oo la siiyay Afarta Jardiin iyo Midka Cabdicasiis, balse Yaa la siin doona kuwa Boondheere oo la dhisay, Qeybtii Koowaad

Dhaqaalihii Dowladda hoose, Mushaarkii Shaqaalaha iyo howl maalmeedkii xafiisyada Gobolka inta badana wax dhaqaaqaya ma laha wax walbana waxaa ay u xayiran yihiin Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” oo markii hore Sacuudiga ku maqanaa hase yeeshe markii dambe u gudbay dalka Uganda halkaas oo ay ku nool yihiin qaar ka mid ah xaasaskiisa.
Sababta Uganda u tagay Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” ayaa lagu sheegay kadib markii mid ka mid ah caruurtiisa ka soo dhacday sar ama daar dheer kadibna ay geeriyootay.
Inta badan shaqaalaha Gobolka ayaa ku nagaaday guriyahooda marka laga reebo qaarkood oo iska maalin joog u yimaada xafiisyada Gobolka.

Shirarkii Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa hakad ku yimid sida ay sheegayan wararka aynu ka helayno Saraakiisha Maamulka Gobolka Banaadir.

“Shaqo ma socoto, Xafiisyadii waa ay xiran yihiin, wax kala socda ma laha, hal qof ayaa loo xayiran yahay, waana Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” maxaa yeelay haddii isaga maqan yahay waxay la micno tahay shaqo ka ma jirto, haddii isaga joogana waa la shaqeynayaa”ayuu yiri mid ka mid ah howl wadeenada Maamulka oo Newsomali.com la hadlayay.AQRISO DOCOMENTI :FADEEXAAD GEN MUUNGAAB oo Labo Shirkadood oo uu leeyahay ku wareejiyay Ururunta Cashuuraha Beriga iyo lacagaha laga qaada Gaadiidka ka shaqeeya Dekedda

“Dhibaatada Soomaalida haysata ayaa waxay tahay ninka ugu sareeya Maamulka ayaa isku ah wax walba, wixii ka hooseeya oo dhan waa maqaar saar iyo magaca u yeel ayay ku ek yihiin”ayuu yiri Aqoonyahan Maxamed Aadan Jimcaale oo ka hadlayay hab dhaqanka Madaxda Soomaalida.

Mushaarka shaqaalaha Gobolka Banaadir lama bixin bilihii ugu dambeeyay,halka qaar ka mid ah shaqaalahaas laga eriyay shaqooyinkii ay umadda u haayan.

Muunaagab isaga ayaa ah Guddoomiyaha Gobolka ahna Duqa Magaalada Muqdisho, isaga ayaana ah Qasnajiga Gobolka, isaga ayaa ah wax walba, mana jirto cid kale oo ka daba hadli karta.

Sida uu sheegay Sarkaal hore oo ka mid ahaa kuwii shaqada laga eriyay waxaa uu Muungaab Madaxda ka hooseysa ula dhaqmaa sidii caruur oo kale, qaarna wuu u hanjabaa isagoo xoog ku ma quuniyo.

Dowladda Federaalka ayaa ka war haysa dhaliilaha loo jeedinayo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” hase yeeshe ma muuqato inay wax ka qabanayso.

Sida ay sheegayan Muungaab ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ku laabto Magaalada Muqdisho kadib marka uu soo dhameysto tacsiyada gabadhiisa oo Uganda ku dhimatay toddobaadkii hore dhamaadkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here