Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan oo adkeynaya xiriirkii ka dhaxeeyay Boliiska Soomaaliya iyo Ingiriiska

0
56

Isagoo maalintii Labaad booqasho rasmi ah ku jooga Magaalada London Taliyaha Boliiska Soomaaliya Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa waxaa uu ku howlan yahay kulamo uu la leeyahay Saraakiil Boliiska Uk ah isagoo kala hadlaya qorshayaal ku saabsan wada shaqeyn dhinac amniga oo dhex mara Boliiska Soomaaliya iyo midka Ingiriiska.
GenTaliyaha Guud ee Boliiska Ingiriiska Sir Bernard Hogan-Howe oo maalintii Isniinta la kulmay Taliyaha Boliiska Soomaaliya ayaa waxay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayan bal sidii la isaga kaashan lahaa arrimaha amniga, is dhaafsiga xogta ku saabsan kooxaha Argigixisada ee khatarta ku ah labada dal.
Waxyaabaha kale ee Kulankaas lagu soo qaaday waxaa ka mid ah sidii Boliiska Uk tababar dhinac Ciidanka u siin lahaa Ciidamada Boliiska Soomaaliya.

Sir Bernard Hogan-Howe iyo Sareeye Gaas Maxamed Sheekh oo London ku kulmay
Sir Bernard Hogan-Howe iyo Sareeye Gaas Maxamed Sheekh oo London ku kulmay

Soomaaliya oo ah dal ka soo baxay dagaal sokeeye ayaa waxaa uu haatan cagta saaray wadadii dib u dhiska iyo kaalintii uu ku lahaa caalamka.
Waa markii ugu horeysay oo Taliyeyaasha sar sare ee Boliiska Soomaaliya iyo Ingiriiska ay yeeshan kulamo ku fool ku fool ah.
Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa uga mahad celiyay Sir Bernard Hogan-Howe Taliyaha Guud ee Boliiska Ingiriiska sida qiimaha leh ee dalkiisa ugu soo dhaweeyay iyo is dhaafsiga xogta amaanka iyo la dagaalanka Argixisada.
Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan oo tan iyo markii loo magacabay Taliyaha Boliiska Soomaaliya ku howlanaa dhisida xiriirka Boliiska Soomaaliya la leeyihiin dadka caalamka sida UK iyo dalalka kale ee dibadda ayaa safarkan waxaa uu ku doonaya inuu adkeeyo xiriirka ka dhaxeeya Boliiska Soomaaliya iyo kan Ingiriiska.
Sida ay inoo sheegeen ilo muhiim ah oo ka tirsan Wafdiga Taliyaha Boliiska ee ku sugan Magaalada London maanta oo talaado ah waxaa uu kulamo gooni gooni ah la leeyahay Saraakiisha Boliiska Ingiriiska in kastoo kulamadaas Saxaafadda loo ogeyn inay wax ka ogaadan wadahadalada labada dhinac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here