MUUNGAAB oo beecinaya xarumihii Telefishinka Soomaaliya ku lahaa Kaaran iyo Towfiiq

0
73

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” ayaa barakacin ku bilaabay dadka degan xarumaha danta guud ee xaafada arjantiin ee degmada kaaraan dhulkaasi oo u lahaa telefashinka qaranka.
2Sida ay sheegayan wararka laga helayo degaanka Kaaran dadkii halkaas deganaa ayaa waxaa loo geeyay warqad ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka, waxaana lagu amray inay sida ugu dhaqsiyaha badan uga guuraan dhulkaas.
Xogta laga helayo degaanka Kaaran ayaa sheegaya in markii laga saaro dadka haatan degan goobtaas la bilaabi doono xaraash.
Guddoomiye Muungaab ayaa la sheegay inuu qorsheystay in boos boos u iibin doono dhulkaas ” dadka degan dhulkaasi ayaa lagu war geliyay in sida ugu dhaqsiyaha badan ugu guuran ayna fuliyaan amarka Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab”.
Sido kale xarunta tvga ku lahaa xaafada towfiiq ayaa la sheegay inay iyadana iib tahay kadib markii kooxaha wax dulaala si aad ugu mashquulsan yihiin iibinta xaruntaas.
Dadka xaruntaas degan ayaa aad uga welwelsan qorshaha Muungaab waxayna ka codsadeen Dowladda Federaalka inay soo farageliso iyaga iyo Muungaab muranka ka dhaxeeya.
Magaalada Muqdisho waxaa ka socda barakicin dhul,cid kasta oo kaa hor timaada waxay wadataa warqad ay kala timid maamulka Gobolka Banaadir mana kala garanayso mida saxda ah iyo mida been abuurta ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here