Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo lagu wado inuu maanta tago Magaalada Gaalkacyo

0
48

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Somaliyed ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa maanta lagu wadaa inuu gaaro Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
download
Wafdi uu horkacaayo C/kariin, ayaa la sheegayaa inay ku wajahan yihiin Gaalkacyo, waxaana Magaaalada qaybteeda Koonfureed ka socota qaban qaabada soo dhaweynta Madaxweynaha Galmudug.

Ammaanka Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, ayaa si weyn loo adkeeyay gaar ahaan qaybta Koonfureed, ciidamada ayaa waxa ay sameynayaan howlgalo ammaanka lagu xaqiijinaayo.

Ujeedada C/kariin uu u tagaayo Magaalada Gaalkacyo, ayaa la sheegayaa inay halkaasi ku wada kulmaan Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo isaga Gaalkacyo ku soo jeeda, inkastoo aan la xaqiijin karin wararkaasi.

Maamulada Puntland iyo Galmudug, ayaa waxaa ka dhex-taagan xiisado ku aadan dhanka xuduudaha iyadoo xalinta arimahaasi uu ku guda jiro Ra’iisul Wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here