Banaan bax ka socda Jowhar iyo qeybo ka mid ah Ganacsiga magaalada oo xiran

0
54

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in banaan bax uu ka socdo Xaafada Hantiwadaag, iyadoo dhaq dhaqaaqii ganacsiga ee xaafadaas uu yahay mid gebi ahaanba saaka xiran.

Banaan baxa ayaa ka dambeeyay markii labo maalmood ka hor uu askari ka tirsan ciidamada uu nin darawal ah uu ku dilay bartamaha Suuqa Xaafada Hantiwadaag, kaasoo la sheegay in markii dambe uu baxsaday.

Midka ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegaya in dad badan oo careysan ay wadooyinka ku dibad baxayeen, iyadoo la maqlayo rasaas ay ciidamada kor ugu ridayaan dadka dibad baxaya.

Sababaha ay dadka u dibad baxayaan ayaa ah in aan la soo qaban askarigii dilka ka dambeeyay.

Dhaq dhaqaaqa ganacsi ee magaalada ayaa ah maalinta sabtida mid aad u xoogan, iyadoo suuqa xoolaha lagu iibiyo uu yahay mid maalinta sabtida kaliya xoolaha lagu kala iibsado, isla markaana xoolo badan oo tuulooyinka laga keenay dib loo celiyo.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka degmada Jowhar iyo Taliska Booliska, iyadoo horay aanu maamulka degmada iyo kan gobolka aanu ka hadlin dilkii maalin ka hor dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here