General Mungaab oo iibinaya dhulkii wasaaradda xanaanada xoolaha ku lahayd Degmada Dharkenlay. (Imise ayuu Muungaab ku leeyahay lacagta sameynta Baasaboorada)Warbixin

0
72

Guddoomiyaha gobolka Banaadi ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” ayaa noqday Gudoomiyayaasha Gobolka banaadir soo maray inta la og yahay taariikhda midkii ugu musuq maasuqa badnaa,iyadoo waxaa keliya laga hadlayo magaalada muqdisho ay tahay fadeexadaha ku wareegsan Gen Muungaab.
2
Guddoomiyaha gobolka Banaadi ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab”ayaa intii uu xukunka hayey wuxuu noqday mid boob ku haaya dhulalka Dawladda federaalka!

Xarunta Gobolka Banaadir ayaa haatan waxaa safaf dhaadheer ugu jira dulaaliin iyo ganacsato doonaya in dhulalkii dawladda oo qaxootiyada iyo shacabka kale degenaayeen laga iibiyo Tujaarul xarbiga Magaaladda Muqdisho.
Dulaalkii ama Ganacsatadihii soo sheega dhul dawladeed la boobi karo, qaxootiga degena xoog looga saari karo ayuu Gen Mungab u balanqaaday inuu dhulkaa ka siinayo 20% halka 80% hartayna uu qaadanayo kana gadayo Tujaarul xarbiga Muqdisho.
Dhulalka ugu danbeeyey oo uu gadanayo Gen Mungab ayaa waxaa kamid ah dhul wasaaradda xanaanada xoolaha lahayd oo ku yaala degmada Dharkenlay.

Musuqmaasuqa xargaha goostay oo Muungaab haatan laga wada og yahay magaalada Muqdisho waxaa kamid ah Dhul gaaraya ilaa 1000 Boos oo ku yaala sarkuusta iyo agagaaraha xerada Asluubta, dhulkaa oo ay hore u lahayd wasaaradda Gaadiidka, dhulkaa ayaa qaar la siiyey odoyaal dhaqameed, siyaasiyiin iyo Xildhibaano dawladda ka tirsan, halka inta badan dhulka uu qaatay Gen Muungaab.

General Mungaab oo iibinaya dhulkii wasaaradda xanaanada xoolaha  ku lahayd degmada Dharkenlay (Imise ayuu Muungaab ku leeyahay lacagta sameynta Baasaboorada)Warbixin
General Mungaab oo iibinaya dhulkii wasaaradda xanaanada xoolaha ku lahayd degmada Dharkenlay (Imise ayuu Muungaab ku leeyahay lacagta sameynta Baasaboorada)Warbixin

Sidoo kale Musuqmaasuqa aysan jirin cid la xisaabtanta ee Gen Muungaab ayaa waxaa kamid ah canshuurta Bariga oo dhamaan laga qaado Xaafadaha kala duwan iyo suuqyada magaalada Muqdisho, dhaqaalaha canshuurtaa beriga ayuu General Muungaab ugu tagri falaa sida dhaqaale uu isagu si qaas ah u leeyahay.

Dhaqaalaha musuqmaasuqa ee ku dhaca Jeebka aan buuxsamin ee Gen Muungaab waxaa kamid ah warqdda dhalashada iyo sugnaanta oo muwaadin kasta oo Xamar Pasport soomaali ka samaysanaya lagu xiro inuu kala yimaado Gobolka Banaadir, lacagtaa oo shaqsigiiba laga qaado 30 doolar ,lacagtaa oo si toos ah ugu dhacda jeebka muungaab

FG =Dhowaan waxaan idiin soo gudbin doonaa liiska dhulalka uu sida sharci darada ah u boobay ugana gatay ganacsatada tujaarul xarbiga ah ..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here