Ciidamada Dowladda oo lix ruux soo qabtay, markii qarax miino lala eegtay

0
136

Ciidamada Dowladda Federalka ee Soomaaliya, ayaa waxaa fiidnimadii xalay qarax miino lagula eegtay Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.Qaraxaan ayaa waxaa Ciidanka Dowladda lagula eegtay inta u dhaxeyso Baar Ayaan iyo Isgoyska Cali Kamiin, oo labaduba ku teedsan Jidka Sodonka.
timthumbWararka laga helaayo goobta qaraxa lagula beegsaday Ciidanka Dowladda, ayaa waxay sheegayaan in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh, oo Ciidanka ka soo gaaray qaraxaasi.
Ciidan kaloo fara badan oo Dowladda ka tirsan oo soo gaaray goobtaasi, ayaa waxay ka sameeyeen hawlgalo, isla-markaana waxay gacanta ku soo dhigeen 6 nin iyo 2 gaari, oo ay kala wateen.
Dadka hawlgalka lagu soo qab qabtay, ayaa waxay Ciidamada Dowladdu ku hayaan fariisimaha ay ku lee yihiin agagaaraha Hotel Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, isla-markaana majirto cid ka hadashay qaraxaan iyo 6-da ruux, ee loo soo qab qabtayba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here