Warbixin Muujinaysa in Madaxweynaha Soomaaliya, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Faarax Cabdulqaadir isu bedeleen Qandaraaslayaal, Aqri Shirkada ay sameysteen

0
148

Warar aanu ka helnay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay sheegay in Madaxweyne Xasan Shiiq Maxamuud, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada faarax cabdulqaadir, oo saddexduba ah ragga ugu awoodda badan dowladda Dembi-Jadiida, ay qandaraasyada soo socda u qaybsadeen sida hoos ku qoran:
100_23381) Xaruuntii UKO ee ubaxii kacaanka oo saaran waddada wadnaha, kuna taal degmada Wardhiigley, agagaarka saldhigga boliiska wardhiigley ayaa laga dhisayaa isbitaal weyn oo lagu daaweeyo indhaha, waxaana qandaraaska qaadatay shirkad uu leeyahay Wasiiru Dolwlaha madaxtooyada Faarax Cabdulqaadir iyadoo ay maalgelinayso dowladda Qatar.
2) Xaruuntii fiisha Baraa ee wasaaradda gaadiidka dhulka, (degmada Shingaanni) waa la burburiyey, waxaana laga dhisayaa isbitaal guud, waxaana qandaraaska qaadatay shirkad uu leeyahay Wasiirka A. Gudaha iyo A. Qaranka Cabdikariim Guuleed, waxaana maalgelinaysa dowladda Imaaraadka Carabta.
3) Haamihii keydka shidaalka ee Xamar jabjab oo ah hanti qaran waxa si sharci darro ah ula wareegtay oo dayactiranaysa shirkad uu leeyahay Cabdikariim Guuleed (Wasiirka A. G. iyo A. Q.)
4) Adeegyada Garoonka Dayuuradaha Muqdisho, sida aad ka warqabtaan, waxa laga wareejiyey Shirkaddii SKA, waxaana lagu wareejiyey Shirkad Turki ah, hase yeeshee waxa lagu lamaaniyey shirkad uu leeyahay Madaxweyne Xasan Shiiq, uuna madax ka yahay nin lagu magacaabo Ismaaciil Wardheere oo ay Madaxweynaha ilmo adeer yihiin.
5) Dekadda Muqdisho ayaa iyadana lagu wareejinayaa shirkad Turki ah oo saami wadaag la ah shirkad uu leeyahay Madaxweyne Xasan Shiiq oo iyadu maamuli doonta hawlaha dekadda. Arrintan dekadda waxa ay weli ku jirtaa wada xaajood balse mar dhow ayaa la billaabi doonaa.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid ka tirsan Mas’uuliyiintan oo ka hadashay warbixintan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here