Cali Maxamed Geeddi oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

0
172

Cali Maxamed Geedi oo kamid ahaa Ra’iisal Wasaarayaashii soo maray doowladihii KMG ahaa ee Soomaaliya, ayaa waxa uu ka hadlay arimo siyaasadeed oo maalmahaanba iska soo tarayay magaalada Nairobi halkaasoo ay isku bahaysteen Siyaasiyiin Caan ah oo xilal waaweyn ka soo qabtay dalka, haba ugu badnadeen Ra’iisul wasaarayaal.
12Prof. Geedi ayaa DFS ee hada jirta ku dhaliilay in iyadu ay isku koobtay talada iyo fikirkaba, islamarkaasna aysan wax la wadaagi Karin masuuliyiintii horay dalka usoo maamushay, waxaana uu sheegay in dulqaad la’aan wax uu ku sheegay loogaa faa’iideystay amni darada hada kajirta magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka.

“Dhibaatooyinku waa badanyihiin Soomaaliyaa hogaaminayaa Soomaaliyaan madax u noqonayaa dulqaadna malihi, taladana ma ballaarineyno ma ahan mid guul lagu gaari karo, Siyaasada maalmahaan kareysa ee siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay ka hadlayaan waa dal daloolo noo muuqda, qalad hadii la arkana waa la tilmaami karaa” ayuu yiri Prof. Geedi.

R/wasaarihii hore Prof. Cali Maxamed Geedi oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri sidan: “Waad la socotaa amnigii faraha ayuu ka baxayoo Caasimadii oo meesha ugu ladan loo haystay hada wal wal badan baa ka muuqda markaad dhagaysato Saxaafada iyo warbaahinta iyo Xogta aan haynaba, sidoo kale Goboladii dalka qal qalamni baa kajira, arimahaas oo dhan marka in talo laga bixiyo waa waxyaabaha aan ka doodeyno, doowladana waxaan ugu abaqeeynaa in waajibaadki loo idmaday qabato ee ayna iskumashquulinin hebel iyo hebelaa meel heblo ku shiray”.

Ciidamada Kenya:

Geedi oo bixinayay wareysi dheer dhinacyo badana taabanayay ayaa sidoo kale soo hadal qaaday qadiyada Ciidamada Kenya eek u sugan Kismaayo iyo Jubooyinka, waxaana uu ku tilmaamay ineey yihiin qayb kamid ah Hilibka Soomaaliyeed, maadaama sida uus heegay ay dhiigooda u hureen difaaca shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu wax laga xumaado ku tilmaamay in hada layiraahdo dalka ha’isaga baxaan.

“Dalka Kenya amnigiisa ayaa ku xiran Soomaaliya ama gaar ahaan Jubooyinka deriska la’ah, waxa dhibaatooyin iyo qaraxyo kadhacaya waqooyi Bari Kenya waad Ogtihiin, marka amnigooda ayaa qasbaya ineey nala shaqeeyaan oo ay gacan nasiiyaan oo ay awoodeeyaan doowlada Soomaaliyeed, in marka loogu abaal gudo waa Cadaw ee haka baxaano dalka aad baanu uga xunahay si cad ayaana uga raali galineeynaa iyo Ethiopia oo si mutadawacnimaa dhaqaalana lagu siinin iyadana qayb ka qadatay la dagaalanka Cadawga iyo sugida amniga Soomaaliya, marka in loogu abaal gudo Colaadin iyo Cadaawad iyo Canbaareyn aad baanu uga xunahay,sideedana Ciidamada Midowga Afrika in lakala qaad qaado wax faa’iido ah malahan” ayuu Cali Geedi hadalkiisa sii raaciyay.

Warkaan kasoo yeeray Prof. Cali Maxamed Geedi, ayaa imaanaya xili maalmihii u danbeeyay magaalada Nairobi ay shirar iyo kulamo joogto ah ku lahaayeen siyaasiyiin badan oo horay dalka uga soo qabtay xilal kala duwan, sida RW Galeyr, RW Cumar Cabdi Rashiid, Geedi, Baadiyoow, Yuusuf Garaad iyo siyaasiyiin kale.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxayay Kulamadooda iyadoona loo badinayay ineey isku gaashaanbuursadeen maja xaabinta DFS ee hada jirta.

Waxaa xusid mudan in inta badan siyaasiyaantaas ay dalka horay usoo maamuleen xiliyo badan, qaarkoodna waxaaba Bulshada Soomaaliyeed ay ku xasuustaan xasuuqii ay ka geysteen magaalada Muqdisho iyagoo ku soo hogaamiyay Cadowga Soomaaliyeed oo ah Ethiopia, waxaase la yaab leh in hada ay DFS ku eedeeyaan waxqabad la’aan iyadoo shacabka Soomaaliyed hada uun uu dagay dareemeena doowladnimo iyo wadaniyad.

Siyaasiyiinta hada ku shiraya Nairobi ayaa sida ka muuqata Sawirka AMINARTS u muuqda kuwo ay afka u buuxisay doowlada Kenya oo iyada damac weyn ka leh Soomaaliya islamarkaasna u muuqata mid xoog ku haysata Kismaayo.

Shacabka Soomaaliyeed ayay u taalaa ineey ka dhiidhiyaan qatarta kasoo wajahan Siyaasiyiintaas aan horay uga soo diirnixin hadana doonaya ineey markale Umada Soomaaliyeed ku celiyaan dagaalo, dhibaato, barakac iyo qax iyagoo fiirsanaya danahooda iyo Kista ay ka helayaan cadawga Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here