Baarista shidaalka Soomaaliya oo dagaal horseedi kara – Warbixin xasaasi ah oo Qaramada Midoobay

0
158

Guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan dabagalka xayiraadda hubka ee dalalka Soomaaliya iyo Eritrea ayaa ka digay in shidaal baaris shirkado Reer Galbeed ah ay ka wadaan deegaanno lagu muransan yahay oo ka tirsan Soomaaliya iyo khilaafka la xiriira cidda ay tahay inay ruqsad u goyso shirkadaha ayaa laga yaabaa in Soomaaliya uu u hor seedo dagaal hor leh.
5Guddiga ayaa warbixinitii ugu dambeysay ee sanadlaha ah ee loo gudbiyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku sheegay in dastuurka federaalka ah ee Soomaaliya uu awood badan u siinayo dowlad goboleedyada inay qandaraasyo shidaal baaris ah la galaan shirkadaha caalamiga ah.

Hase yeeshee xeer ku saabsan shidaal baarista dalka oo weli uusan baarlamaanka ansixin, kaas oo ay dabada ka riixayaan madax sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ku sugan Muqdisho ayaa oranaya in dowladda dhexe ay leedahay awoodda kaliya ee bixinta ruqsadda lagu soo saarayo khayraadka dabiiciga ah ee uu dalku leeyahay.

“Arrimahan iska hor imaanaya, haddii aan la xallin, waxaa laga yaabaa inay Soomaaliya u hor seedaan khalkhal dhinaca siyaasadda iyo ammaanka ah oo u dhaxeyn kara dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe,” khubarrada guddiga ayaa sidan ku sheegay warbixinta – oo wakaaladda wararka ee Reuters ay aragtay.

Darsanno shirkado baara saliidda oo ay ku jiraan kuwa caalami ah oo baara shidaalka ayaa ruqsad u haystay inay shidaal ka baaraan Soomaaliya muddadii ka horreysay 1991, balse tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya maamullada Somaliland iyo Puntland iyo maamullo kale ayaa ruqsad waxay u siiyeen shirkado kale inay shidaal baaris ku sameeyaan isla goobihii dowladdii dhexe ee Soomaaliya ay ruqsadda u siisay shirkadaha inay shidaal ka baaraan.

Maamullada Somaliland iyo Puntland ayaa lagu sheegay warbixinta inay ruqsad u siiyeen shirkado caalami ah inay shidaal ka baaraan deegaanno ay labada maamul ku muransan yihiin. Khubarradu waxay sheegeen in shirkadaha Norwegian oil firm DNO (DNO.OL) iyo Africa Oil Corp (AOI.V) oo Canada ka diiwaan-gishan la siiyay qandaraasyada.

Warbixintu waxay sheegtay in baaritaannada shidaal ee ay u fulinayaan DNO iyo Africa Oil iyagoo ilaalo ka helaya ciidamada ammaanka ee maamulladaas iyo ilaalo gaar ah oo ay iyagu leeyihiin ay sababi karaan in colaad ay ka dhex dhalato Puntland iyo Somaliland.

Hase yeeshee, Bjorn Dale oo si ku-meel-gaar u ah maamulaha shirkadda DNO ayaa sheegay in shirkaddu aysan faraha la galeyn waxyaabo khatar gelin kara nabadda Somaliland.

Africa Oil ilaa hadda wax jawaab ah kama bixin arrintan.

Dalalka Norway iyo Sweden ayaa iyaguna la sheegay warbixinta inay ku lug leeyihiin dadaallada baarista shidaalka Soomaaliya.

Khubarradu waxay sheegeen in gargaarka horumarineed ee Norway ay siiso Soomaaliya ay u isticmaali karto mid ay ku qarineyso danaheeda dhinaca ganacsiga ah, balse wasiirka horumarinta caalamiga ah ee Norway Heikki Eidsvoll Holmas ayaa beeniyay eedeynta.

Baarista shidaalka Soomaaliya ayaa la joojiyay muddo ka badan 20 sano ka hor kaddib markii ay dhacday dowladii dhexe ee Siyaad Barre.

Waxaa lagu qiyaasayaa in Soomaaliya uu ku jiro shidaal la eg midka ay soo saarto Yemen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here