Xiriirka ka dhaxeeya Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Duqa Magaalada Muqdisho oo ceel ku dhacay, Warbixiin iyo shaqsiyaad la isku haysto

0
139

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed ayaa la sheegay inuu si weyn ugu fashilmay olole xoog leh oo muddooyinkii danbe uu waday si uu xilka uga qaado guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Ahmed Nuur (Tarsan).
1Ololaha xil ka qaadista Tarsan ayaa ka mida qorshaha kooxda Dam-jadiid dejisay si ay ula wareegto jagooyinka ugu muhiimsan xilligan dowladda federaalka, waxayna kooxdu xilkan u dooneysan inuu qabto Jen. Xasan Mungaab oo ah guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada, mas’uulkan oo hore ugu fashilmay inuu ka mid noqdo xildhibaanada dowladda Federaalka.

Sida ay sheegayaan xogta ay heshay Yoobsan News wasiirka arrimaha gudaha C/kariin Xuseen ayaa dhowaan ku eedeeyay duqa Muqdisho amar diido kadib markii uu mas’uulkani ka hor yimid wareegto uu wasiirka arrimaha gudaha dib u magacaabay xilka agaasimaha waaxda dhulka ee dowladda hoose ee Gobolka Banaadir nin lagu magacaabo Cabdikarin Cali, xilkan ayaa la sheegay inuu hore uga qaaday Gudoomiye Tarsan.

Agaasimaha uu xilka dib ugu magacaabay wasiirka arrimaha gudaha ayaa la sheegay in xilka looga qaaday fadeexad ku saabsan dhul dan guud ah oo uu si xatooyo ah u sharciyeeyay dad caadi ah, taasoo keentay inay isku dhacaan isaga iyo guddoomiye Tarsan. Agaasimaha hore ee dib loo magacaabay Cabdi-kariim Cali iyo agaasimaha xilkaas iminka haya oo lagu magacaabo Cabdi-naasir C/llaahi Maxamed ayaa la sheegay inay gacmaha iskula tageen oo ay ku dagaalameen xafiiska xarunta gobolka horaantii bishan.

Arrintan ayaa keentay inuu si weyn uga caroodo Guddoomiye Tarsan oo wasiirka ku eedeeyay musuqmaasuq, halka wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka qaranka C/kariin Xuseen isna ku dhaqaaqay inuu xil ka qaadis u diyaariyo Mudane Tarsan. Khilaafkan ayaa gaaray heerkii ugu sareeyay toddobaadkii hore markii uu soo dhex galay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku soo baraarugay qorshaha wasiirka arrimaha gudaha, iyadoo la sheegay inuu si weyn uga xumaaday.

Xiriirka wasiirka arrimaha gudaha iyo duqa Muqdisho ayaa sii xumaanayay muddooyinkii ugu danbeeyay lamina oga halka arrintani ku danbeyn doonto, inkastoo qorshihii uu xil ka qaadis ee wasiirku cuskan lahaa fashil weyni ku yimid.

Xigasho yoobsannews.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here