Prof. Jawaari "Arrinta Xasan Dahir qabiil yaan laga dhigin, Maxkamad go'aan ka gaareyso hala sugo"

0
121

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa markii u horeysay ka hadlay xariga Xasan Dahir, isagoo ku baaqay in laga war sugo, go’aan Maxkamada ka gaareyso xaaladiisa.
jawaari2Prof. Jawaari ayaa uga hadlay arrinta Xasan Dahir si ka duwan hadaladii horay uga soo baxay Madaxda dowladda, isagoo ku baaqay in xarigiisa aan la siyaasadeyn oo aan loo bedelin qabiil sida uu yiri.

“Xasan Dahir sida qaanuunko qabo xoriyadiisa waxba looma geysanayo, hadii loo daneynayo ammaankiisa ayaa lagu dhowrayaa, Madaxweynaha waa u sheegay, arrinta in la qabiileeyo ma ahan waa nagu garaab xumo”ayuu yiri Prof. Jawaari.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay in aan lagu deg degin inta Maxkamad go’aan ka gaareyso arrintiisa, isagoo balan qaaday ka baarlamaan ahaan aanay ogolaaneyn in xuquuqdiisa aan wax loo dhimin.

“Maxkamad ayaa go’aan ka gaareyso, aan ka war sugno, inta go’aan laga gaarayo, laakiin ka baarlamaan ahaan waxaa balan qaadeynaa in xuquuqdiisa aan wax loo dhimeyn”ayuu yiri Prof. Jawaari.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dhowaan ka hadlay xariga Xasan Dahir ayaa sheegay in aanay jirin balamo ay odayaashii ka keenay Cadaado kula galeen in la dejiyo guri, isla markaana aanay taas macquul aheyn, isagoo cadeeyay in wadaadka la wareysanayo, ayna jireen eedeymo badan oo loo heysto.

Odayaal ku heyb ah Xasan Dahir ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay ku balan furtay, markii ay Xasan ka soo wadeen Cadaado, isla markaana qaar ka mid ah odayaasha lagu jirdilay garoonka diyaaradaha.

Xaalada Xasan Dahir ayaa keentay culeysyo dhinacyo kala duwan ah oo dowladda soo wajahay tan iyo markii dhamaadkii bishii hore la keenay magaalada Muqdisho, xilli habeena laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, markii uu ka soo baxsaday Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here