Cali Maxamed Geeddi iyo Dr. Cali Khaliif Galeyr oo beeniyay inay ka shaqeynayan afgambi Siyaasadeed oo ka dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh

0
158

Iyadoo mudooyinkii u dambeeyay ay soo baxayeen warar sheegaya in siyaasiyiin mug weyn oo xilal ka soo qabtay dowladda Soomaaliya ay abaabul siyaasadeed ka dhan ah dowladda ka wadeen magaalada Nairobi ayaa war ay si wada jir ah u soo saareen ku beeniyay inay mucaarad ku yihiin dowladda curdunka ah ee ka jirta Soomaaliya.
aasSiyaasiyiintan oo qaarkood ah mudanayaal ka tirsan baarlamaanka ayaa xalay kulan ku yeeshay magaalada Nairobi, iyadoo meesha ka saaray inay dowladda uu hogaamiyo Xasan Sheekh la damacsan yihiin afgambi siyaasadeed.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaarayaal hore oo soo maray dalka, sida Dr, Cali Khaliif Galeyr, Prof. Cali Maxamed Geeddi, Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka, aqoonyahano iyo mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Kenya.

Dr. Cali Khaliif Galeyr ayaa sheegay in aanay wadan qorshe ku aadan inay mucaaradaan dowladda, isla markaana hadafkooda aheyn afgambi siyaasadeed.

“Ma nihin mucaarad dowladda ka soo horjeeda, mana jecelni inaan mucaaradno dowladda, qorshaheena ma ahan waxa la sheegayo ee afgambi siyaasadeed baa dhacaya”ayuu yiri Cali Khaliif Galeyr oo ah mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa sheegay in wararka meelaha lala wareegayo uu yahay daan daansi siyaasadeed, isagoo soo qaatay booqashadii ay ugu tageen Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif oo ku sugan Kampala, isla markaana isaga iyo labo kale ay salaan ugu tageen.

“Dowladda anaga waxaa kula xisaabtameynaa marka ay u dabaal degeyso sanad-guuradeeda koowaad, laakiin daan daansi siyaasadeed ma ogolin”ayuu yiri Cali Maxamed Geeddi oo dhinac isaga riixday wararka sheegayo inuu abaabulayo siyaasado ka dhan ah dowladda.

Dr. C/raxmaan Macalin Baadiyow oo ka mid ahaa musharaxiinta u taagneyd Madaxweynaha ayaa sheegay in qorshahooda aheyn mucaarad, isagoo cadeeyay in wixii dhaliil ah ay soo jeedinayaan, isla markaana dadka u wada jeedo, waxaana uu soo qaatay arrinta ammaanka Muqdisho oo faraha ka baxaya.

Maalmihii u dambeeyay ayaa shirar kala duwan waxaa uu ka socday magaalooyinka Nairobi iyo Kampala, iyadoo shirarkaas durba uu gil gilay siyaasada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xilligan dowladdiisa heysato culeysyo u badan ammaanka gudaha iyo tan Gobolka oo dalalka deriska aanay la dhacsaneyn siyaasadiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here