Taliyihii Ciidamada Puntland oo meydkiisa la geeyay Garoowe kadib markii maanta lagu dilay dagaal ka dhacay Qardho

0
124

Cabdi Jaamac Cilmi (Cabdi Dhagaf) oo ahaa Taliyaha Ururka 1aad Ciidanka Kumaan-Doosta Puntland oo Maanta ku dhintay Dagaalkii Qardho ku dhaxmaray Koox hubaysan oo Doorashooyinka Diidan iyo Ciidanka Puntland kadib markii ay ku dhacday Xabada Qoryaha Waa wayn ee Dagaalka ayaa Meydkiisa la keenay Magaalada Garoowe Dhawaannah waxaa la filayaa in la Aaso, taliyaha Ayaa hogaaminayay sida wararku ay nagu soo gaarayaan Ciidankii yaraa ee loo diray magaalada Qardho kuwaasi oo waday Sanaadiiqdii Doorashooyinka hase yeeshee ay arintaasi iska hor imaad dhalisay.Warbixintii saaka qardho halkan ka aqriso
7

AUN Taliye Cabdi Dhagaf ayaa ka mid ahaa Ciidankii Puntland ka tagay ee lagu soo tababaray Dalka Ugandha kuwaasi oo ay Tababarka Siiyeen Ciidanka Midowga Yurub, Taliyuhu wuxuu Maalmihi ugu dambeeyey ku hawlanaa Gaarsiinta Sanaadiiqda Gobolka Karkaar & Bari iyo Ka qayb qaadashada Sugida Amniga Guud inta ay Doorashooyinku Socdaan Balse arintaasi is bedel uu ku yimi kadib markii Puntland ay ka laabatay Doorashooyin ka dhaca Puntland. AUN Tale Cabdi Dhagaf Wuxuu ka tagay in ku dhaw 20 Caruur ah iyo Xaasas waxaana galabta la filayaa in lagu aaso Qabuuraha ku yaala Duleedka Garoowe iyadoo ay ka qayb gali doonaan Masuuliyiin Ka tirsan Dowlada iyo Shacab kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here