Nicholas Kay oo geesinimo ku tilmaamay go’aanka lagu hakiyay doorashada Puntland

0
230

Ergeyga gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa go’aankii maanta dib loogu dhigay doorashooyinka deegaanka ee Puntland ku tilmaamay mid geesinimo ah kaddib markii rabashado ay ka dhaceen magaalooyin ka tirsan Puntland.
Kay-iyo-FarooleNicholas Kay ayaa u tacsiyeeyay ehelada dadkii maanta ku dhintay shaqaaqadii ka dhacday Qardho, wuxuuna sheegay in uu la xiriiray dhammaan dhinacyada uuna ugu baaqay inay is xakameeyaan.

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya wuxuu cambaareeyay rabshadaha dhacay, wuxuuna ku dhiirri-geliyay dhinacyada isaga soo hor jeeda siyaasadda Puntland inay haatan ka faa’iideystaan fursadda lagu hakiyay doorashada si ay uga wada shaqeeyaan xaqiijinta qabsoomidda hannaan dimoqraadiyadeed oo nabad ah, isla markaana macquul ah.

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Farooe ayaa ku dhawaaqay in maamulkiisa uu hakiyay qabsoomida doorashooyinka deegaanka oo lagu waday inay ka dhacaan deegaannada Punland maalinta berri ah.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweyne Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa lagu sheegay in doorashooyinka la qaban doono waqtiga ku habboon.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in maamulka uu hakiyay qabsoomidda doorashooyinka kaddib markii uu aqoonsaday khatar ku iman karta amniga, nabad-gelyada iyo xasilloonida deegaannada Puntland.

Afar qof ayaa ku dhimatay rabshado ka dhacay Qardho, halka magaalada Gaalkacyo lagu gubay sanaadiiqdii cod-bixinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here