Howlgal Sirdoon oo laga fuliyay Magaalada Jowhar

0
156

War kasoo baxay Taliska Ciidamada Nabad Sugida ee Gobolka Shabeelada Dhexe, ayaa lagu sheegay in howlgalos Saacadihii ugu danbeeyay laga sameeyay magaalada Jowhar lagu soo qab qabtay rag katirsan Al-shabaab.
1Cabdi Wali Ibraahin Maxamed Taliyaha ciidamada Nabadsugida Shabeelaha dhexe ayaa usheegay warbaahinta Magaalada Muqdisho in howgalka inta badan ay fuliyeen xilliga habeenkii ayna ku bartilmaameedsadaan dadka farmuuqa ah.

Wuxuu sheegay inay gacanta kusoo dhigeen dad ku cusub Magaalada oo ka tirsan amniyaadka Shabaab,kuwaasi oo qaarkood lagu wareejiyay maxkamada ciidanka qalabka sida.

Taliyaha ayaa sheegay in sidoo kale baaritaanka ay kusoo qab-qabteen hub ubadan bambooyinka gacanta laga tuuro,inkastoo guriga howlgalkaasi laga fuliyay aysan cidi joogin sida uu sheegay.

Taliyaha ciidanka Nabadsugida Gobalka Shabeelaha dhexe ayaa sheegay in ciidamada Nabadsugida ay howlgalo kale ka sameeyeen tuulooyin hoostaga Degmada Jowhar ee xarunta Gobalkaasi.

Tuulooyinka howlgalka laga sameeyay ayuu ka xusay Koongo oo ku dhaw Degmada Jowhar,rag ka tirsan Shabaabna laga soo qabtay oo qaarkood uu ku cadaaday fal dambiyeedka iminkana ay xiran yihiin.

Howlgalada ayuu sheegay inay sii socon doonaan inta Shabaab Gobalka Shabeelaha dhexe laga nadiifinayo sida uu yiri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here