Shabaab oo khasaaro kala kulmay weerar ka dhacay Awdheegle

0
132

Ciidamada Ururka Al Shabaab ayaa waxay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh, ay kala kulmeyn weerar hubeysan oo ay shalay galab ka geysteen Deegaanka Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
timthumbAwdheegle waxay ka tirsan tahay Deegaanada Gobolka Shabeellaha Hoose, ee muddo gaaban kahor ka baxday gacanta Ururka Al Shabaab, ayna la wareegeen Ciidamada Dowladda iyo Amisom.

Ciidamadii Shabaab ee weeraray Deegaanka Awdheegle, ayaa waxay iska caabin xoog leh ay kala kulmeyn Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom iyo Ciidamada Dowladda, oo Xarumo ku leh.

Gudoomiyaha Deegaanka Awdheegle ee Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ee Dowladda Maxamed Aweys Abuukar (Mad Yarow), ayaa wuxuu sheegay inay Ciidamada Shabaab dagaalaaan uga dileen askar badan, halka tiro kalana ay uga dhaawaceyn.

Maxamed Aweys Abuukar ayaa wuxuu xaqiijiyay in meydadka seddex kamid ah Ciidamadii Shabaab, ay iyagu ku aaseen Deegaanka Awdheegle, sababo la xiriira xagga caafimaadka.

Xilli lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, ayaa waxay Saraakiisha sar sare ee Al Shabaab, ay iclaaminayaan inay kordhinayaan weerarada ay la beegsanayaan Ciidamada Amisom iyo Dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here