8 sano ayaa ka soo wareegtay markii muqdisho lagu dilay nin reer galbeedku ku xirnaa

0
227

11 july Xilli habeen ah ayaa isagoo sariirtiisa jiifa isla markaana xaaskiisa Xaawo kirish la jiifta waxaa albaabka sare ee gurigiisa soo jibiyay niman hubeysan oo la aaminsan yahay in ay ka tirsan yihiin islaamiyiinta hubeysan soomaaliya toogteen C/qaadir Yaxye oo madax ka ahaa Hay’adda CRD da oo taageero dhaqaale ka hesha wadamada Yurub iyo Mareykanka.
yaxye (1)Dilka C/qaadir Yaxye waxaa uu ahaa mid laga soo shaqeeyay oo si adag loo soo diyaariyay waxaa la aaminsan yahay in Mr Yaxye iyo ragga ugaarsanayay koley muddo is daba joogan.
Kooxaha Islaamiyiinta hubeysan ee soomaaliya oo ay ka mid tahay Shabaabka waxay u arkaan Marxuumka inuu ahaa nin ku xiran reer galbeedka oo wada shaqeyn kala dhaxeysay.
Laakiin Howl wadeenada CRD da oo uu ka mid yahay Jabriil Ibraahim waxay C/qaadir Yaxye u arkaan inuu ahaa nin ka shaqeynayay nabada soomaaliya.
Allaha u naxariisteen, C/qaadir Yaxye Sheekh Cali Cibaar wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho sannadkii 1957, wuxuuna wax ku bartay Muqdisho, isla markaana wuxuu kasoo shaqeeyay wasaaraddii beeraha xilligii Kacaanka. Safaaraddii Mareykanka ee Somalia ayuu kasoo shaqeeyay, wuxuuna ka mid ahaa dadkii ka shaqeeyay howgalkii rajo soo celinta Soomaaliya ee UNOSOM II.
Kooxihii dilka u geystay C/qaadir Yaxye ayaa la sheegay inay ka qaaten guriga Ducomenti iyo computerka gacanta ee Marxuumka lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here