WAR DEG DEG: Qarax Ismiidaamin oo goor dhow lagu weeraray Xarun labaad UN-ka leeyahay

0
181

Qarax xoogan ayaa daqiiqado ka hor ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoyska KM4 iyo Air Porka, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo qaraxan oo ahaa mid si guud ah looga maqlay magaalada.Wararka qaar in xarun ku dhoweyd UNDP lagu weeraray gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, iyadoo xarunta la weeraray ay aad ugu dhow dahay inta u dhaxeysa UNDP iyo Sartii Maslaxa.
breaking_news_37595

Ma cada qasaaraha ka dhashay, hase ahaatee wararka ugu xoogan ayaa sheegaya in qaraxa ismiidaaminta uu ka dhacay meel aad ugu dhow Xarunta UNDP oo bishii hore la weeraray.

Rasaas ayaa la maqlayaa, inkastoo aan kala cadeyn in rag hubeysan ay galeen xarunta markii qaraxa weyn uu dhacay kadib

Xarunta la weeraray ayaa la sheegayaa inay tahay meel ay degan yihiin Qaramada Midoobey oo aad ugu dhow xaruntii bishii hore la weeraray.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here