Malta oo joojisay masaafurinta 400 oo muhaajiriin ah

0
243

Xukuumadda Malta ayaa maanta joojisay laba duullimaad oo siday 400 oo muhaajiriin ah oo la doonayay in dib loogu celiyay dalka Liibiya, oo ay markii hore ka soo tahriibeen.
TahriibayaalAmarka joojinta ayaa ka soo baxay maxkamadda xuquuqul insaanka ee Midowga Yurub oo si ku meel gaar ah u mamnuucday in dib loo masaafuriyo muhaajiriintaasi.

Raysul waraasaha dalka Malta Joseph Muscat ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay tixgelinayso go’aanka maxkamadda ayna joojisay go’aan horay xukuumaddiisu u gaartay oo fasaxayay in dib dalka Liibiya loogu celiyo muhaajiriin dalkaasi soo galay.

Muhaajiriinta la damacsanaa in dib loogu celiyo dalka liibiya ayaa u kala dhashay waddamada Soomaaliya iyo Eritrea kuwaasoo horay uga soo tahriibay dalkaasi.

Ciidamada badda ee dalka Malta ayaa sidoo kale gudaha badda ku haya doomo ay saaran yihiin boqolaal muhaajiriin ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here