Ciidamo kawada Tisran Al-shabaab oo ku dagaalamay Beer-xaano

0
155

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in Ciidamo ka wada tirsan Al-shabaab uu xalay dagaal ku dhexmaray deegaanka Brrxaano.Ciidamada ka wada tirsan Shabaab ayaa xalay dagaal culus ku dhex maray deegaanka Beer-xaano oo 25 km koofur ka xigta magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan, kaas oo sababay dhimashada Sadex ka mid ah Ciidamadaas halka dhaawacana uu gaarayo ilaa 7 ruux.
Allkisima-Phots-Alshabaab-Kis.1Warka ayaa intaasi ku daraya in saaka ay halkaasi gaareen ciidamo kale oo ka tirsan Shabaab. kuwaas oo aan la ogeyn dhinaca ay taageerayaan, waxaana deegaankaasi ka taagan saan saan colaadeed iyo cabsi farabadan oo ay qabaan dadka deegaanka.

Waxaa xusid mudan in maalmihii u danbeeyay Ciidamo ka wada tirsan Al-shabab uu dagaal ku dhexmarayay deegaanada ay haatan dalka Ka maamulaan, waxana dagaalkaas uu salka ku hayaa khilaaf soo kala dhex galay madaxda ugu sareysa Ururka oo laba garab u kala jabay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here