Fu'aad Shangole iyo Kaba Kudukade oo iyagoo baxsad ah lagu arkay Bari Shabeellaha Dhexe

0
196

Wararka laga helayo degmoyinka bari ee gobalka shabellaha dhexe ayaa sheegaya in degmoyinka Cadale iyo Raga Ceele ay ku sugan yihiin horjogayaal sarsare oo ka tirsan ururka al shabaab
Fuaad-ShongoleWarar hoose aynu deganadaas ka heleyno ayaa sheegaya in horjogayaasha deganadaas lagu arkay uu ka mid yahay horjooge Fuaad Maxamed Khalaf (Shangole) iyo horjoogaha gobalka Shabellaha Dhexe u qaabilsan shabaab Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise (Kaba Kudukade) iyo malaeshiyaad fara badan iyo gawarida dagaalka ay wataan Fuaad Shangole ayaa waxa uu habeen ka hor ka so baxsaday degmada Buulo Burdi ee Gobalka Hiiraan kadib markii uu cadaadis kala kulmay horjoogaha Aalshabaab Axmed Godane oo maalmihii ugu danbeeyay ay dagaalo u dhaxeyeen asaga iyo horjoogayaasha ka hooseyo ee Al shabaab.

Dadka ku nool Gobalka Shabellaha dhexe ayaa maanta ilaa caawa waxa ay hadal hayaan halka ay ku danbeyn donaan horjogayaashan ka tirsan shabaab iyo ciidamada faraha badan ay wataan oo so gaaray deegano katirsan gobalkan shabellaha dhexe waxa ayna noqotay hadal heynta ugu badan caawa afurkii ka dib Jowhar.

Wixii war ah ee ku soo kordho wararka danbe ayaan idinku soo gudbineynaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here