Xukuumadda oo baaq u dirtay dhallinyarada xubnaha ka ah al-Shabaab

0
163

Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ugu baaqday dhallinyarada ku jira kooxda al-Shabaab inay isaga baxaan falalka xun ee ay lugta kula jiraan, iyaga oo ka faa’iideysanaya bisha barakaysan ee Ramadaan.
13Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi faarax Shirdoon ayaa ugu baaqay dhallinyarada ku lugta leh falalka xun xun inay ka waantoobaan, isla markaana ay isu dhiibaan dowladda Soomaaliya.

Waxa uu xusay inay soo dhowaynayaan cid kasta oo ka tanaasulaysa wax yaabaha xun ee lidka ku ammaanka waddanka.

Horey ayay xukuumadda Soomaaliya baaqyo noocan oo kale ah ugu jeedisay dhallinyarada ku jira al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here