Maamulka Somaliland oo dadweynaha degaanadaas ku amartay inay qaatan baasaboorka cusub ee Soomaaliya

0
133

Wareegto uu ku saxiixan yahay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Duulista hawada Somaliland Axmed Cali Faarax ayaa loogu baaqay shacabka reer Somaliland in ay badalaan baasaboorkii hore ee cagaarka ah maadaama ay badashay dowladda Soomaaliya, caalamkana laga aqoonsaday baasaboorka cusub ee electroniga ah, sidaasi darteedna ay qaataan kan cusub.
somalipasportWareegtada ayaa lagu yiri ” Mudanayaal aniga oo tixraacaya warqadda sumadeedu tahay WSW/HG/02/14/2013 ee ku taariikhaysan 06/05/2013 kana soo baxday xafiiska taliyaha waaxda socdaalka qaranka laguna soo lifaaqay amarka Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee sumadeedu tahay WAG/XW/369/04/2013 kuna taariikhaysan 07/05/2013, ujeedadeeduna tahay in la dhaqangaliyo go’aankii joojinta Baasboorkii hore ee Soomaaliya (Green Passport) maadaama ay sidoo kale joojisay Dawladda Soomaaliya.

Sidoo kale Agaasimaha ayaa shirkadda duulimaadyada ka codsaday in gacan ku siiyaan dhaqan gelinta amarkani oo qof sita Baasboorka la joojiyay soo qaadin kana iibin qof sita Paasapoorka la joojiyay marka laga reebo dadweynaha Somaliland ee ka shaqeeya dalalka Carabta ee deganaansho (Ciqaamadaha) ugu yaalaan inta aanay badalin Baasboorkaas.

Go’aankaan cusub ee Somaliland ku qaadatay badalida Paasaboorkii hore kuna qaadaneyso midka cusub ayaa noqonaya mid burinaya go’aan ay horay dalkeeda ugu mamnuucday in laga isticmaalo midka cusub ee EP.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here