Hargeysa oo laga maamuli doono hawada Soomaaliya

0
161

Soomaaliya iyo Somaliland ayaa heshiis ka gaaray cidda maammulayso diyaaradaha adeegsada hawada.Waxay ku heshiiyeen in la dhiso guddi ka kooban labada dhinac oo xaruntooda ay noqon doonto magaalada HargeysaLabada dhinac ayaa maamulka hawada Soomaaliya kala soo wareegi doono Qaramada Midoobay, waxayna ku heshiiyeen in si siman ay u qeybsadaan dakhliga ka soo gala.
65791-MIG-in-Hargeisa-0

Arrintan ayaa ka soo baxday shir wadaxaajood ah oo labada dhinac ay ku lahaayeen magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Hasa ahaatee, waxaa muuqata in labada dhinac aysan ku heshiin qodobbadii kale ee ajendaha ku jiray, oo uu ka mid ahaa qodobka gooni isu taagga Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cabdikarim Xuseen Guuleed, oo hoggaaminayay wafdiga dowladda federaalka ayaa so dhaweeyay heshiiskan.

Dhinacyada ayaa ku heshiiyay in afar bilood kaddib ay haddana ku shiraan isla dalkaas Turkiga.

Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgeshiga Somaliland, Maxamad Cabdullahi Cumar, ayaa isaguna sheegay in arrimaha dhiman looga hadli doono shirarka soo socda.

Xildhibaan Khaalid ayaa sheegay in qodobo aad u adag ay ka doodeen gudiyada labada dhinac, kaasoo ka mid ahaa in siyaasiyiinta labada dhinac la isku furo, iyo in shirarka soo socda ay ka dhacaan dalka gudihiisa, sida Muqdisho iyo Hargeysa, balse qodobadaas dib looga laabtay, laguna balamay in shirka soo socda ee 120-ka cisho kadib looga doodo, kaasoo ka dhici doona Istanbul.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here