Ciidan mushaar loogu qeybiyay Muqdisho

0
181

Wasaaradda gaashaandhigga ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta mushaar u qeybisay ciidamo labo toddobaad ka hor uu tababar ugu soo xirmay magaalada Muqdisho.
imagesWasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdixakiim Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa sheegay in maanta la soo bandhigay qalab keydinaya macluumaadka ciidanka, taasoo ka caawineysa in ay ciidanku helaan xaqooda, in aan lagu soo dhex dhuuman iyo guud ahaan xogta dhabta ah ee ciidanka.

Fiqi waxa uu tilmaamay in ciidamada laga doonayo in ay waajibaadkooda u gutaan si daacad ah, ayna dhowraan sumcadda iyo sharafta ciidanka.

Wuxuu sheegay in shacabka iyo dowladda ay hammi weyn u qabaan ciidanka, sidaa daraadeed looga baahan yahay in ay sugaan ammaanka, isla markaana ay ka hortagaan kuwa kasoo horjeeda nabadda iyo horumarka dalka.

Wasiirka wuxuu xusay in ay dowladda mas’uuliyad ka saaran tahay tayeynta iyo dhowrista xuquuqda ciidanka, mushaaraadkoodana ay si joogta ah u qaadan doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here