SHAQAALE XAWAALADEED OO LA WEERARAY

0
456

Waxaa rasaas xoog leh la huwiyay gaari ay la socdeen qaar ka tirsan Shaqaalaha shirkada Xawaaladda  Kaah Express oo maraayay nawaaxiga isgoyska Siinaay ee magaalada
Muqdisho.

Sida ay inoo sheegeen ilo xog ogaal ah, gaariga ayaa ka yimid xarunta hay;dda
ARC ay ku leedahay magaalada Muqdisho taasoo ku taala agagaarka madax tooyada
Villa Somalia.

Waxaa dhacdadaas ku geeriyooday laba qofood midna waxaa ka soo
Gaaray dhaawac culus sida ay sheegayan wararka.

Rasaaseentaan ayaa timid ka dib markii kooxda Al Shabab ay digniino culus
Iyo hanjabàadiyo is daba joog ah usoo gudbisay shaqsiyaadka iyo shirkada la
Shaqeeya Hayadaha ajanabiga sida ay warka u dhigeen.

Dadka ku waxyeeloobay dhacdadaan qaarkood oo aan magacyadooda helnay
Ayaa waxaa ka mid ahaa Axmed Xasan Cabdiraxman iyo
Maxamed Aadan Isxaaq oo uu dhaawac ka soo gaaray rugmashadii uu gaariga rogmaday
Waxaana loola cararay mid ka mid ah isbitaalada ku yaaala magaalada Muqdisho
Kaasoo aan magaciisa naloo sheegin sababo amaan dartood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here