MURSAL oo warqad u diray beesha Caalamka , Aqriso

0
601

Guddoomiyaha BJFS Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman aya u diray warqad Ururka Midowga Yurub iyo beesha caalamka taasoo uu kaga codsanayo in dhaqaale ahaan laga kaalmeeyo BJFS sidii ay u qaban lahaayeen doorashada 2020/2021 wakhtiga loogu talo galay.

Warqadda Guddoomiyaha aya meesha ka saartay hamigii MW Farmaajo ee ahaa in ay Madaxweynaha JFS ay soo doortaan ilaa 3 milyan oo qof kuwaasoo MW Farmajo ku rajo qabay in markale ay dib u soo doortaan xoogaga waddaniyiinta oo u badan barakacayaal loo qoondeeyay in la siiyo lacag si ay ugu codeeyaan MW Farmaajo.

Guddoomiye Mursal aya hoosta ka xariiqay in aanay dhici doonin muddo kororsi isla markaana doorashada lagu qaban doono wakhtigii loogu talo galay iyadoo xildhibaanada laga soo dooran doono degaan doorashadooda, halka Madaxweyanaha ay dooran doonan labada aqal ee Baarlabaanka JFS.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here