Odayaal Beeleed oo Mahad Cabdala Cawad ku eedeeyay inuu boobayo xildhibaanadii ay ku lahaayeen Galmudug

0
95

Odayaasha Beesha Qubeys oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ayaa ku eedeeyay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad inuu faragelin ku hayo xildhibaannada Beeshaasi ku leedahay Galmudug.

Odayaashan ayaa sheegay in Mahad Cawad uu doonayo inuu boobo xildhibaannada Beesha ee Galmudug oo isagu uu soo magacaabo, isla markaana aanu wax shaqo ah ku lahayn xildhibaannada beeshaasi oo uu kasoo jeedo beesha kale ee Saleebaan Cabdalla oo aan waxba kala dhaxeyn Beesha Qubeys, waxayna ka digeen inuu fitno iyo dagaal ka dhex abuuro beeshan.
Waxay ku eedeyeen in Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya uu leeyahay dano gaara oo siyaasadeed, isagoo hore dagaal uga dhex abuuray beesha Xeraale, sida ay sheegeen, waxayna madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ka dalbadeen inay arrintaas wax ka qabtaan.

Beesha oo degta degaano ka tirsan Gobolka Mudug ayaa ka biyo diiday isbedel lagu sameeyay odayaasha saxiixayaasha ah ee Galmudug, waxaana xoogeysanaya muranka ka taagan khilaafka xildhibaannada Galmudug ee lagu jiro xulistooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here