Xiriirka Madaxweyne Farmaajo & Beesha Caalamka oo sii xumaanaya

0
279

Xiririka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Beesha Caalamka ee arrimaha Somaaliya ayaa maraya heerkii ugu hooseeyay tan iyo intii uu xilka qabtay Febraayo 2017, iyadoo dalku galayo sanadkii ugu danbeeyay ee xukunkiisa iyo olole Doorasho.

Go’aano ay arrimaha Doorashada 2020/2021 kasoo saartay Beesha Caalamka ayaan lagu xusin Madaxweynaha Soomaaliya, waxaase lagu sheegay inay wadatashi la yeesheen Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Guddiga Doorashooyinka Qaran. Iyadoo sidoo kale la ogyahay in wakiilada Beesha Caalamka la kulmeen guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka; waxaana soo baxday shaki weyn oo Beesha caalamka ka qabto qorshaha Doorashada uu damacsan yahay Madaxweyne Farmaajo.

Xogta ayaa sheegeysa in Madaxweyne Farmaajo uu dhowr jeer ka war-wareegay inuu la kulmo Wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya James Swan iyo wakiilada Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo IGAD oo kala hadli lahaa arrimaha Doorashooyinka iyo Jubbaland, waxaana socon qabsoomi waayey kulan uu muddo 3 jeer ah Madaxweyne Farmaajo ka dalbaday Wakiilka Q/Midoobay James Swan.

Codsigii ugu danbeeyay ee kulanka laga dalbaday Farmaajo ayaa ku beegnaa intii aysan wafdiga Beesha Caalamka aadin magaalada Kismaayo, iyadoo Madaxweynaha uu sheegtay cudurdaarro kala duwan si aanay kulamadaasi u dhicin, xilligaas oo uu ku howlahaa kulamo uu la qaadanayo xildhibaannada Baarlamaanka qaarkood, isagoo ka dhaadhicinaya inay ka hor yimaadaan Sharciga Doorashada ee Baarlamaanka horyaalla, kuna qancinaya sharcigii hore ee Madaxtooyada soo marsiiyey Golaha Wasiirada.

Qaar ka mida xubnaha Beesha Caalamka ayaa laga soo xigtay inay fahmi waayeen qorshaha uu wato Madaxweyne Farmaajo, isagoo aan u soo bandhigin, isla markaana aanu wada-shaqeyn la lahayn Maamul Goboleedyada, guddoonka labada Aqal ee Baarlamaankana ay ka tashadeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here