FARMAAJO oo waaga ku bariyay, habeenkii xalay ahaa la kulmay Xildhibaano isagoo hal qodob ka bariyay Xubnaha Baarlamaanka in lagu soo daro sharciga doorashooyinka

0
373

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waaga ku bariyay markii uu arkay sharci doorasho oo halis gelinaya ku soo laabashada kursiga mar kale ayaa olole ka dhex billaabay xildhibaanada baarlamanka, isaga oo isku dayaya inuu ka hortago in la ansixiyo sharciga doorashooyinka dalka oo horyaalla baarlamanka.
Madaxweynaha oo habeenkii xalay ahaa la kulmay Xildhibaano ayaa ka dalbaday xubnahaas la kulmay in sidiisa ku qaadan doono sharciga laakiin hal qodob lagu soo daro sharciga kaas oo ah in xisbigii Xildhibaan bata Madaxweynaha iska soo dhex saari doonaan kaas oo ah halka wado oo Farmaajo ku raja weyn yahay inuu ku guuleysto doorashada dalka.

Xildhibaano kale oo aynu la hadalnay ayaa sheegay in madaxweynaha uu doonayo in la ansixiyo sharcigii ay golaha wasiirada ansixiyeen bishii May, kaasi oo ogolaanaya in madaxweynaha waqtiga loo kordhin karo, haddii doorasho la qaban waayo. Sharcigaas ayaa waxaa wax ka beddel ku sameeyey guddi hoosaad uu baarlamanka u xil saaray.

Waxay sidoo kale sheegeen inay aad ula yaabaan nooca doorashada ee madaxweynuhu doonayo oo ah doorasho qof-iyo-cod ah laakin si kale loo dhigay.

Doorashadan ayaa ah mid aan ka dhaceyn dalka oo dhan balse lagu qabanayo Muqdisho kaliya. Sidoo kale kama qeyb-galayaan shacabka oo dhan balse waxaa codeynaya kaliya ergo ka mid ah shacabka oo meel la isugu keenayo.
Ergada la isugu keenayo Muqdisho ayaa wakiil ka noqonaya shacabka oo dhan, waxaana tuhun laga qabaa in intooda badan laga soo xulo taageerayaasha madaxweynaha, taasi oo dib u doorasho fudud siin karta madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sida aan xogta ku helnay waxa uu dhowaanaha kulamo la qaadanayey qaar ka mid ah xildhibaanada, isaga oo ka dhaadhicinaya inay sharciga horyaalla baarlamanka ansixin.

Isku dayga cusub ee madaxweynaha ayaa imanaya ayada oo madaxweynaha uu ku guul-darreystay inuu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ka dhaadhiciyo in sharciga laga hortago, kadib kulan dhacay 27-kii November.

Guddoomiye Mursal ayaa u sheegay Farmaajo in qodobka 89-aad ee dastuurku qorayo in madaxweynaha ay doortaan baarlamanka, islamarkaana talooyinkii ay soo aruuriyeen ee mucaaradka iyo maamul gobaleedyada ay diideen in lagu jebiyo dastuurka suurta galna aheyn qorshaha madaxweynaha, oo aan dastuuri ahayn, islamarkaana aysan jirin cid kale oo ku raacsan.

Sidoo kale Kheyre ayaa taageeray guddoomiyaha Golaha Shacabka, isagoo madaxweynaha u sheegay in aduunyada iyo Soomaalida intuba ka aqbali karin doorasho qof iyo cod ah markii loo eego xaaladda Soomaaliya, sidaasna uusan dastuurka dhigeyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here