Wasiirada Amniga & Duulista Hawada oo hortegay Baarlamaanka iyo Su’aalo adag oo la weydiinayo…

0
150

Waxaa furmay kulankii gaarka ee xildhibaannada Baarlamaanak Federaalka, kaasoo su’aalo lagu weydiinayo Wasiiradda Amniga Gudaha iyo Duulista Hawada ee xukuumadda Soomaaliya oo mooshinno u yeeris ah laga keenay.

Kulanka waxaa maant shir guddoominaao guddoomiye ku xigeenka koobaad ee Golaha Shacabka C/weli Ibraahim sheikh Muudey, waxaana soo xadiray oo uu ku furmay 120 xildhibaan, waxayna wajahayaan su’aalo adag oo ku saabsan shaqada labadan wasiir.
Xildhibaannada Baarlamaank ayaa Wasiirka Duulista Hawada Maxamed C/llaahi Oomaar ku heysta inuu faahfaahin ka bixiyo xayiraadii diyaaradaha ee la saaray magaalada Kismaayo iyo cidda amarkaasi bixisay, iyadoo culeyska ugu weyn uu wasiirkaasi saaran yahay.

Dhinaca kale wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow oo uu la socdo Taliyaha ciidamada Booliska ayaa wajahaya su’aalo ku saabsan dhinaca amniga iyo dhacdooyin ay ku lug yeesheen ciidamada NISA iyo Booliska, waxaana ka mida su’aalaha adag ee ay wajahayaan cidda bixisay amarka lagu xayiray xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka oo loo diiday inay ka duusho Garoonka Muqdisho.

Su’aalo weydiinta labada wasiir ayaa bilowday, waxaana is qoray xildhibanno badan oo ka mida mucaaradka taageersan xisbiyada UPD iyo Himilo qoran oo ay hoggaamiyaan madaxweynayaashii hore ee Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here