Ciidamada Dowladda oo Xildhibaanad ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ka hor istaagay inay u duusho Gobolka Gedo

0
180

Ciidamada amniga dowladda Soomaaliya ee ku sugan Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa maanta ka hor istaagay xildhibaannad Dalays Xasan Aadan oo ku sii jeeday Gobolka Gedo.
Xildhibaandadan oo katirsan Golaha Shacabka ayaa la sheegay inay maanta safar u ahayd Gobolka Gedo oo laga soo doorto, iyadoo ciidamada Hay’adda Nabadsugida Qaranka ee (NISA) ay u diideen inay ka dhoofto Garoonka magaalada Muqdisho.

Falkan lagula kacay Xildhibaannad Dalays Xasan ayaa isla maanta lagu daray ajendaha fadhiga Golaha Baarlamaanka ee goor dhoweyd ka furmay xarunta Golaha Shacabka, iyadoo isla maalinta berri ah Golaha Baarlamaanka looga yeeray inay hor yimaadaan Wasiirka Amniga iyo madaxda Hay’adaha hoos yimaada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here