Taliyaha Booliska Somalia oo shaaciyey oo in Gal Dacwadeed loo furay Baarista Dilkii Almaas Elman

0
117

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa ka hadlay dilkii naxdinta lahaa ee xarunta Xalane loogu geystay Almaas Elaman Cali oo hor u soo noqotay xoghayhii safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada Booliska Soomaaliya ,gaar ahaan Laanta Dambi baarista ee CID-da ay furtay Gal-dacwadeed ku saabsan baaritaanka dilkaasi ka dhacay Xalane, isla markaana ay bilaabeen baaritaan buuxa oo u saabsan sidii dilka uu u dhacay iyo ciddii ka dambeysay.
Taliyaha Booliska ayaa intaas ku daray in baaritaanka ay ka qeyb qaadanayaan Saraakiil sare oo khibrad u falalka dembiyada, wuxuuna sheegay in wixii kasoo baxa baaritaankaasi ay la wadaagi doonaan shacabka Soomaaliyeed.

Warkan ayaa yimid iyadoo xukuumadda Soomaaliya ay War kasoo saartay dilka Almaas Elman, isla markaana ay sheegtay inay cambaareyneyso dalka dilka ah, ayna bilaabi doonto baaritaan lagu ogaanayo ciddii ka danbeysay.

Shalay waxaa Gudaha Xerada Xalane oo ay AMISOM gacanta ku heyso lagu dhex-dilay Elmaas Elman oo mar soo noqotay Xoghayaha koowaad ee Safaarada Somalia ee Kenya,haatana ka tirsaneyd Xafiiska xiriirka & Isgaarsiinta ee Midowga Yurub.

Dilka oo ilaa iyo hadda si rasmi ah aan loo faah faahin ayaa ka dambeeyay,kadib markii sida la sheegay rasaas lagu furay Gaari ay saarneed,kadib dhaawac soo gaaray ay u geeriyootay,waxaana dilkaas War kasoo saaray booliska Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here