Beesha Caalamka oo War kasoo saartay Heshiiska ay gaareen Madaxweynayaasha Somalia iyo Kenya [Akhriso]

0
124

Wakiilada Beesha Caalamka ee qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ayaa War kasoo saaray heshiiskii caadiyeynta xiriirka Soomaaliya iyo Kenya oo madaxweynayaasha labada dal ay ku gaareen magaalada Nairobi.

Qoraal kasoo baxay Beesha caalamka oo uu faafiyey xafiiska Q/Midoobay ee Soomaaliya UNSOM ayaa lagu sheegay inay soo dhoweeyeen kulankii dhex maray madaxweynayaasha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Kenya Uhuru Kenyatta oo ka dhacay magaalada Nairobi 14-kii Bishan Novermbar 2019, waxayna ku tilmaameen tallaabo horumar leh oo xoojineysa xiriirka wanaagsan ee labada dal.
Qoraalka Beesha Caalamka ayaa lagu sheegay inay si weyn u bogaadinayaan dadaalka shaqsi ahaan ay arrintan geliyeen madaxweynayaasha Somalia iyo Kenya, waxayna xuseen muhiimada uu leeyahay xiriir wanaagsan oo dhex mara Somalia iyo dalalka deriska ah inuu horseedayo horumar dhinacyada amniga ah iyo barwaaqo gobolku gaaro.

Beesha caalamka ayaa rajeysay in heshiiska la gaaray la dhaqan geliyo, waxayna dalalka Beesha caalamka ee qoraalka soo saaray kala yihiin: African Union Mission in Somalia (AMISOM), Denmark, Egypt, Ethiopia, European Union, Finland, France, Germany, Intergovernmental Authority on Development (IGAD), Italy, Organisation of Islamic Cooperation (OIC), Sweden, Turkey, Uganda, United Kingdom, United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM), & United States.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here