BAARLAMAANKA Maamul Goboleedka Puntland oo doortay Guddoomiye Madaxtooyada wadata

0
162

Waxaa Maanta ugu dambayn lasoo geben gebeeyay Doorashada Gudoomiyaha Golaha Wakilada MaamulkaPuntalnd taasi oo loo balansanaa in ay dhacdo 14 Bishaan oo maanta kubeegan waxaan Dooradhadaa ay ka dhacaday Xarunta Baarlamaamka Puntland.

Doorashada oo ka dhacay hoolka Xarunta Baarlamaanka Puntland ee Garoowe ayaa waxaa ku tartamay Saddex musharax oo kala ahaa Xildhibaan Abwaan Cabdirishiid Yuusuf Jibriil, Xildhibaan Cali Axmed Saalax (Cali Dhahar) iyo Xildhibaan Cabdijamaal Cismaan Maxamed.

Wareega koowaad oo codeynta ayaa waxaa u soo gudbay musharixiinta kala ahaa Xildhibaan Abwaan Cabdirishiid Yuusuf Jibriil oo helay 34 Cod iyo Xildhibaan Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed oo helay 17,waxaana Wareego koowaad ku haray Xildhibaan Cali Axmed Saalax (Cali Dhahar).
Wareega labaad oo doorashada ayaa waxaa ku tartamay Xildhibaan Abwaan Cabdirishiid Yuusuf Jibriil iyo Xildhibaan Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed, waxaana Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Puntland ku guuleystay 4 Sano ee soo socota Xildhibaan Abwaan Cabdirishiid Yuusuf Jibriil kaas oo helay 46 Cod halka Xildhibaan Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed uu helay 17 Cod.

Guddiiga doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa ay ku dhawaaqeen in Xildhibaan Abwaan Cabdirishiid Yuusuf Jibriil uu ku guuleystay xilka guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland,kaas oo bedelay guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Baarlamaanka Maamulkaas Cabdi Xakiin Dhoobo Daareed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here