WAA IMISA LACAGTA Farmaajo ku bixiyay Doorashadii Koonfurgalbeed dhiiga ku daatay, (Aqriso Warbixinta UN ka)

0
221

Warbixin ay soo saareen Guddiga Khubarada Q/Midoobay u qaabilsan la socodka arrimaha Soomaaliya oo 1-dii Bishan Novembar 2019 loo gudbuyey Golaha Amniga ayaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya iyo dhacdooyin fara badan oo ay ka mid tahay doorashadii K/Galbeed iyo qalalaasihii ka dhacay.

Waxaa lagu sheegay warbixinta in Doorashadii maamulka Koonfur Galbeed loo adeegsaday lacag laaluush ah oo loo qeyebiyay xildhibaannadii Baarlamaanka K/Galbeed oo magaalada Muqdisho loo qaaday, kadibna mid kasta la siiyey lacag dhan $5000, iyadoo lacago kale oo gaaraya $20,000 iyo $30,000 loo ballanqaaday.
Guddiga Q/MIdoobay ayaa ku sheegay warbixiintiisa in 82-da Xildhibaan oo ka tirsan Maamulka Koofur-Galbeed Muqdisho loo geeyay bishii November 2018 si ay codkooda u siiyaan musharax ay waday dowladda Soomaaliya, iyadoo mid waliba la siiyey $5000, waxaana lacagtaasi bixiyey saddex qof oo dowladda federaalka ay u dhiibatay lacag boqolaal kun doolar ah, kuwaasoo warbixintooda si gaara loogu gudbiyey Golaha Amniga Q/Midoobay.

Doorashadii Koofur Galbeed ee uu kusoo baxay musharixii ay wadatay dowladda Soomaaliya ee C/casiis Xasan Maxamed (lafta-gareen) ayaa fadeexad weyn ku noqotay madaxda Dowladda Soomaaliya oo ku dooda inay la dagaalamaan musuqmaasuqa, waxaana qalalaasihii ka dhashay doorashadaasi lagu dilay ilaa 15 qof oo ka dambeeyay xarigii Sheekh Mukhtaar Roobow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here