RW Kheyre oo ka hadalsiiyay Waare. “Diyaaradda Beledweyne tagtay waxay sameysay xad-gudub”(DAAWO MUUQAALKA)

0
186

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi waare ayaa sheegay in diyaaraddii siday Madaxweynayaashii hore ee ka degtay Beledweyne ay ku xadgudubtay xirfadii duulimaadyada iyo shuruucda, waxaa uu sheegay inay la xisaabtami doonaan shirkadda leh.

Shir jaraa’id oo Muqdisho ku qabtay ayuu sheegay in aanay jirin wax is hor-taag ah oo ay ku sameeyeen safarka Madaxweynayaashii hore, balse ay jirtay in garoonka uu roob ka da’ay, isla markaana lagu soo wargeliyay in aanay diyaaradaha waa weyn ka degi karin, markii ay la wadaageen arrintaas oo uu wacay Madaxweyne Xasan Sheekh uu si kulul ula hadlay.

Waxaa uu intaa ku daray in diyaaradda ay sameysay xadgudub oo xitaa ay ka jawaabi weyday raadaarka, taasna ay walwal badan gelisay, duuliyaha uu sameeyay qalad weyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here