DAAWO SHEEKH SHARIIF oo Kitaab ku maray inuu Xamar ka saari doono Farmaajo iyo Kheyre Haddii aysan joojin…

0
178

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ahna guddoomiyaha Madasha Xisbiydda Qaran ayaa caawa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, wuxuuna digniintii ugu cusleyd u riday madaxda dowladda Federaalka.

Sheekh Shariif ayaa in dowlada Federaalka ay dulmi weyn ku heyso dadka, ayna mar waliba wixii lagu sameeyay wafdigooda kula kacaan muwaadiniinta, wuxuuna ku dhaartay saddex jeer inaysan u dulqaadan doonin oo haddii aysan joojin dulmiga ay dalka ka saari doonaan.

“Magaaladan MOORYAAN ayaa haysatay, waa lala dagaalay WAANA LA BIXIYAY. ITOOBIYAAN ayaa soo galay, waa lala dagaalay WAANA LA BIXIYAY. ALSHABAAB ayaa qabsaday, waa lala dagaalay WAANA LA BIXIYAY. Intaas miyey ka xoog badan yihiin..? WALLAHI, THUMA WALLAHI. WALLAHI, THUMA WALLAAHI. WALLAAHI, THUMA WALLAHI… IYAGANA HADII AYSAN JOOJIN WAAN BIXINAYNAA!..| ayuu yiri Sheekh Shariif.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here