HAWEENAY LA XUKUMAY

0
149

Waxay sheegtay in sanadkii 2018 ay ku biirtay Al-shabaab, iyadoo qaabilsaneyd kala gudbinta hubka fudud oo ay maleeshiyada Al-shabaab ku howlgalaan, waxayna intaas ku dartay inay kooxda ku biirsiay haweeney ay deris ahaayeen oo ninkeedu ku geeriyooday Qarax uu farsameynayay,

Saafi Ciise waxay sheegtay inay soo martay duruufo kala duwan sida inay soo martay laba guur oo fashilmauy, kadibna ay Al-shabaab ku biirtay, iyadoo ka tegi jirtay xaafado fara badan oo ku yaalla cirifyada magaalada Muqdisho, iyadoo kala gudbineysa Bistooladaha, Bamka gacanta laga tuuro, Qoryaha fudud sida AK-47 iyo suumanka qaraxyada, iyadoo caddeysay in xiriiriyaha shabakadda laga hagi jiray banaanka magaalada gaar ahaan, degaanka Mubaarak.

Maxkamada Ciidamada Qalabka sidas ayaa xukunno kala duwan ku ridday sagaal ruux oo lagu soo eedeeyay in ay ka mid ahaayeen kooxda argagixisada ee Al-shabaab.

Maxkamadda ayaa xabsi da’in ah ku xukuntay Axmed Cabduqaadir Axmed ,halka shan ruux oo kala ah 1-Cabdiraxmaan Nuur Maxamed Jimcaale, 2- Saafi Ciise Arwaax, 3-Yaasiin Maxamed Abtidoon, 4- CabdiShakuur Cali Maxamuud iyo Farxaan Aadan Yuusuf Wehliye,iyagana lagu xukumay min 15-sano oo xarig ah.

Maxkamadda ayaa sidoo kale xabsi gaaraya min 8-sano ku xukuntay 1-Farxaan Faarax Maxamuud Fiidow iyo -Xasan Sheikh Cabdullaahi Abuukar

Maxkamadda Ciidamada Xoogga ayaa amartay in la sii daayo CabdiKhadar Mire Axmed hadii aysan jirin dambiya kale oo loo heysto,sida uu warbaahinta dowladda u xaqiijiyay Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here