Maalinta Caleemo-saarka Axmed Madoobe oo weli aan la shaacin & Siyaasiyiin & Madax ku diyaarsan Muqdisho & Puntland

0
163

Abaabulo kala duwan ayaa ka socda magaalooyinka Muqdisho, Boosaaso iyoGarowe oo lagu doonayo in magaalada Kismaayo looga qeyb galo caleemo saarka Axmed Madoobe oo warar kala duwan kasoo baxayaan in la qaban doono maalinta Arbacadda, iyadoo maamulka Jubbaland aanu is rasmi ah u shaacin xilliga, taasoo qeyb ah qorshe qarsoon oo la doonayo in xafladasi lagu qabo markii madax la sugayo ay u suuragasho inay tagaan magaalada Kismaayo.

Dowladda Somalia ayaa la sheegay inay olole ugu jirto sidii ay u dhiciseyn lahayd xafladaasi oo marar badan dib u dhacday, waxaana shalay laga war helay diyaarad si qarsoodi ah siyaasiyiin ay ka mid yihiin Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo C/kariin Guuleed uga dejisay magaalada Kismaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here